Somaliland: Shil Gaadhi Oo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Sababay Oo Saaka Ka Dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa + SAWIRRO

0
1030

Hargeysa, (HargeisaPress) —Saaka xilli hore ayaa waxaa shil baabuur oo aad u naxdin badan uu ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa gaar ahaana marka la dhaafo kaantaroolka haleeya oo dhinac bari kaga beegan magaalada Caasimadda Hargeysa.

 

Shilkan naxdinta badan ee saaka dhacay ayaa ahaa mid ay isku galeen laba gaadhi oo ahaa kuwa loo yaqaano booyadaha ee iyagu biyaha kasoo qaada degmada awbarkhadle isla markaana keena caasimada hargeysa.

naxdin leh oo ma

Waxaana shilkan uu sababay sida naloo sheegay inta la ogyahay dhimashada shan ruux halka tiro kalena uu dhaawac culusi soo gaadhay.Wali ma cadda tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca dadka. Waxaana markiiba meesha gaadhay ciidamada ilaalada nabadgaliyada wadooyinka ee traffic-da.

 

Maydka iyo dhaawaca dadka shilkani ku dhacay ayaa loosoo qaaday cusbitaalka wayn ee magaaalada hargeysa iyada oo dadkii ku dhaawacmayshilkaasna xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka.

shil naxdin leh oo ka

Waxa mudooyinkii u danbeeyey soo badanaya shilalka baabuurta iyaga oo sababaya khasaare iskugu jira mid nafeed iyo hantiyeedba walina ma jirto talaabo cad oo ay xukumaddu ka qaaday darawaliinta iyagu xawaaraha sare ku wada gawaadhida.

 

LEAVE A REPLY