Dakhliga Cashuurta Berriga, si haboon loo ururiyo, ugu yaraan la gaadhsiyo 60%. Xalku ma aha TACRIFAD la kordhiyo ee waa daryeelka shaqaalaha/ciidamada.
MARKALA HELO DAWLAD IXTIRAAMTA, DASTUURKA IYO XEER-HOOSAADYADIISA. HADDA DAWLADDU (XUKUUMAD, XEER-DEJIN IYO GARSOOR) WAY KA XUUB-SIIBTEEN SHARCI OO DHAN. TALO GUUD OO LA ISUGU YIMAADO SI DALKA LAGU BAD-BAADIYO, AYAA LA TABAYAA.
Si guudhaddii aan u dulmaro, waxa ay arrimahani ku suurtoobi karaan marka la sugo:
- Dastuurka iyo Xeer-hoosaadyadiisa oo lagu dhaqmo.
- Madaxtooyadu ku dhaqanto Qodobka 90aad; Wuxu sheegayaa waajibaadka Madaxweynaha in aanu ku jirin maamul lacageed.
- Hay’adaha dabagalka ee gabay xilkoodii ama aan tamarin sida; G/Wakiilada (Guddida maaliyadda) iyo Hanti-dhawrka oo la shaandheeyo
- Kharashka Xukuumadda iyo shaqaalaha aan shaqayn oo la dhimo.
- Dakhliga Cashuurta Berriga,
si haboon loo ururiyo, ugu yaraan la gaadhsiyo 60%. Xalku ma aha TACRIFAD la kordhiyo ee waa daryeelka shaqaalaha/ciidamada.
- La xisaabtanka Xukuumadda, oo Baarlamaanku xilkiisa ka guto.
- DAKHLIGA OODIB U HABAYN LAGU SAMEEYO:
1.Miisaaniyadda 2015 ee Dawladda Dhexe waa: sls 1,080,000,000,000 = $ 180,000,000 2. Dakhliga Kastamada (61.80 %) sls 667,477,257,680 = $ 111,246,210 3. Cashuurta Berriga (12.88%) sls 139,069,900,911 = $ 23,178,317
- Kharashka Shaqaaluhu (48% ): sls 517,382,579,360 = $ 86,400,000
F.G: Xukuumadii Madaxweyne Rayaale, shaqaaluhu wuxu ahaa: 6,933. Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed shaqaaluhu waa: 15,223. Shaqaalaha aan imtixaan gelin waa: 5308. Shaqaalaha aan hawl qabani waa: 35%. Aroortii BUUGGA SAXEEXA, ee iska HOYDA.
Arrimo muhim ah, ayaa ka soo baxay qodobadan kor ku xusan: Cashuurta Berriga oo aad u yar. 12.88%. Taas oo ay tahay in ay noqoto cashuurta ugu badan, oo ay ka badato cashuurta kastamada. Meelaha laga KORDHIN karo waxa ka mid ah: Isgaadhsiint, Xawaaladaha, Cashuurta Macaashal-macaashka, Cashuurta Gediska, Iibka Hantida Dawladda IWM. Waxa soo raaca; Kharashka Madaxtooyada ee aadka u badan, oo la shaandheeyo.
- MAAMULKU WUXU QALOOCDAA MARKA; DASTUURKA IYO XEERKA LA BAAL-MARO:
Sharcigu, wuxu ilaaliya hab-nololeedka mujtamaca. Marka lagu dhaqmi waayo, waa la AMBADA. Ra’yi badan oo kala duwan ayaa ka dhasha. Waxa loo qaybsamaa, KOOXO iyo QABA’IL. Waa xaaladda DALKU ku sugan yahay maanta. Xukuumaddu waa KOOXO. Xer-dejintu waa KOOXO. Garsoorku waa KOOXO. Qaybsanaantaa waxa ku tasoobay, dantii caamka ahayd iyo hab-nololeedka DADWEYNAHA, oo ukala baxay sidan:-
- Qayb nolo-shoodu aad u sareyso: Sida Madaxda sare ee DAWLADDA iyo Ganacsato waaweyn.
2 Qayb Dan-yar ah; Dukaanada yar-yar, Kaluumaysatada, Khudradleyda, Caanoleyda, hilibleyda, reer-miyiga, Shaqaalaha Dawladda, ciidamada Qaranka iwm.
- Qayb Muhim ah ayaa meesha ka baxay Ganacsatadii meel dhaxaadka ahayd, markii kala xaddeynta ganacsiga la fulin waayey.
- Qayb aan dab loo shidin, qaarkood ay u dheer tahay: Caafimaad darro, Da’, shaqo la’aan, TAHRIIB iyo hooyo SILIC u dhamaaday, oo u dawarsata lacagtii, furashada il-maheedii TAHRIIBAY iwm. Aan isweydiino waxa sababay, nololashaa adag.
III. DALKU INNAMA GABIN:
Wuxu leeyahay: Xoolo-nool; Badd; dhul-beereed; macdan iyo khayraad kale. Dadkeenu ma badnna. Waxa lagu qiyaasa, saddex milyan iyo badh. Maxaa haddaba sababay: Saboolnimada, Shaqo la’aanta, tahriibka iwm? Ummad waxa haga Madaxdeeda: Xukuumad; Baarlamaan, Garsoorka, Xisbiyada iyo Wax-garadkeeda. Waa inta is-dheelitirta ee ka ilaalisa: Maamul-xumada iyo musuq-maasuqa. Waa intay ku waajibtay, horumarka Dalka iyo daryeelka Dadweynaha. Waana halka dheeligu ka jiro.
- WAXA LA TABAYAA ARAGTI DHEER, MAAMUL-WANAAG IYO DAWLAD DALKA U HORSEEDA HORUMAR: Siyaasadda dawladihii talada Dalka soo qabtay, ka mid tahay ta maantu, waxa ay u qaateen in ay ku kasban karaan KALSOONIDA dadweynaha wasiir loo magacaabo reer iyo QABIIL. Waa arrintatiradaWasiir, Wasiir Dawla iyo Wasiir-ku-xigeen gaadhsiisay 57. Waxa iyana jira Lix iyo Labaatan Wasaaradood iyo in ka badan 12 Haya’dood.
Dalku ma u baahan yahay tirade Wasiirada/Wasaaradaha iyo Haya’daha ee intaa le’eg? Beelaha ma wada raali-gelin karaan? Kharashkooda si ka haboon, ma looga faa’idaysan karaa oo lagu KASBO kalsoonida UMMADDA?
- AAN U GUDUBNO HORUMAR IYO SIDII LOOGU FAA’IDAYN LAHAA, DAN-YARTA iyo SABOOLKA, DA’YARTA SHAQO LOOGU ABUURI LAHAA iwm.
Tusaale;Xukuumadda loo baahan yahay, waa mid: 17 wasaaradood iyo 17 wasiir ka kooban. Looma baahna; Wasiiru-Dawle iyo wasiir ku xigeen midnna. Kharashkaa ku baxaya, affartan wasiir, waxa looga baahi weyn yahay DARYEELKA & HORUMARKA DADWEYNAHA. 1. Kaydka 40 wasiir oo la dhimo waxa ka soo bixi Sannadkii: = $ 3,000,000
Haddii danyarta/saaboolka Barnaamij Kobcinta Dhaqaalahooda loo dejiyo oo $200 qoyskii la amaahiyo, waxa ka faa’idaysan kara lacagta kor ku xusan 15,000 qoys. Halka40 qoys ka faai’daysato.
Waxa nasiib darro weyn ah, in Xukuumadihii iyo Baarlamaankii, talada Dalka hayay ka gaabiyeen: Daryeelka haybadda dalka, ilaalinta nabadgelyada, horumarka bulshada iyo habsami u-socodsiinta maamulka Dawladda. Waxa ay ka dayriyaan dhaqaalaha Dalka. Waxa ay yidhadaan: “Dalkeenu waa dal yar oo curdin ah, cid caawisa iyo aqoonsi haysan, oo aan dhaqaale lahayn”.BARYADAA UGA FUDUD WAX QABAKA: Haddii roobku yaraado iyo haddu batto Qayladu waa: “ Caalamku hanno soo gurmado”. Ann wax qabsano, waa arrin maan-kooda iyo maskax-dooda, ka maqan.
Shaxda hoose, waxa ay inna tusaysaa Kharashaadka laga maarmi karo ee tusaale ahaan; MIISAANIYADDA 2015 ku jira, hadii loo qondeeyo Barnaamija Kobcinta dhaqaalaha danyarta/saaboolka oo dad badani ka faa’idaysan karaan, waxa Dawlad kastaana ku kasban kartaa kalsoonida dadweynaha.
MIISAANIYADAHA, HADDII LA HUFFO, LA DHIMO KHARASHKA AAN LOO BAAHNAYN; DADKA J.S.L. TOBAN SANNO, AYAY KAGA BIXI SABOOLNIMADA BI’IDNI LAAH
SHAXDA. I
A) MAGACA | LACAGTA DHIGMI |
Mushaharka Madaxweyne, Noqdo $ 4,000 Bishii | $ 88,500 Sannadkii |
Mushaharka Ku-Xige. Noqdo $ 3,500 bishii. | $ 55,500 “ |
Gunno & Xil Guurtida 2015 | $ 1, 613,455 “ |
“ “ “ Wakiilada 2015 | $ 1,700,284 “ |
M/Xige Madaxtooyadu la wareegtay | $ 72,504,705 “ |
ISUGEYN: KHARASHKAA, GELI HORUMAR | $ 75,962,444 “ |
LOO BAAHNAYN, EE LAGU DARI HORUMAR. | |
B) 40 wasiir la dhimo | $ 3,000,000 |
7 Wasaaradood oo la dhimo. | $ 4,092,535 |
3% Shaqaalaha aan hawl-gelin | $ 25,869,129 |
1,142 Caaqil | $ 4,111,200 |
Hay’ado iyo guddiyo aan loo baahnayn | $ 2,874,652 |
20 La taliye Madaxweyne. Aan hawl loo diran. | $ 120,000 |
Isugeyn B) | $ 40,067,516 |
ISUGEYN A+B | $ 116,029,960 |
C) KORODHKA MIISAANIYADDA SANNADKII | $ 35,000,000 |
ISUGEYN C) | $ 35,000,000 |
ISUGEYN A+B+C. LA GELIN HORUMAR SANNADKII | $ 151,029,960 |
HORUMARKA SHAN SANO. | $ 755,149,800 |
HORURARKA TOBAN SANO. | $1,510,299,600 |
Alla Mahad leh, (Eng. Maxamed Xaashi Cilmi)