Somaliland: qiimaha shidaalka oo kordhay kala-badh intii hore

0
1215

Hargeysa (Hargeisa Press)- Qiimaha lagu iibiyo shidaalka, ayaa waxaa uu kor uga kacay suuqyada Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, waxaana uu kordhay kala-badh intii hore.

Qiimaha shidaalka lagu iibiyo, ayaa suuqyada Somaliland gaadhay halkii ugu sarreysay, iyadoo uu si maalin le ah isku beddelay.

Waxaana kor u kacan weyn ee ku yimid shidaalka dalka, cabasho xooggan ka muujiyay gaadiidleyda, gaar ahaan gaadiidka ay dadweynuhu isticmaalaan.

Qiimaha shidaalku intaanu isbeddelin ama kor u kicin waxa Halka Litir ee Patrol-ka ah lagu iibinayey 9,000 kun oo shilinka Somaliland ah, halka uu imika ka marayo 12,500 oo shilin, taasi oo ka dhigan in Halkii Litirba ay ku biirtay lacag gaadhaysa 3,000 shilinka Somaliland ah.

Korodhka qiimaha shidaalka, ayaa si joogto ah uu kor ugu socdaa suuqyada Somaliland, iyadoona kaalmaha qaarkood halka Litir ay ku iibinayaan 13 kun ilaa 14 kun oo shilin.

Diraweliinta gaadiidleyda, ayaa sheegay in arrintani ay ku tahay culays, sidaasi darteedna loo baahan yahay in xukuumaddu soo faro-geliso oo ay wax ka qabato.

Waxay sheegeen in qaar ka mid ah kaalmaha shidaalku ay diideen in ay ka iibiyaan shidaal, waxanay tilmaameen in ay damacsan yihiin inay kor u sii qaadaan qiimaha shidaalka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa iyadu ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin kor u kaca ku yimid qiimaha shidaalka, iyadoona ay hore u fashilmeen go’aano ay ka soo saartay qiimaha shidaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here