Somaliland oo Xabsiga Ka Sii Deysay Dhallinyaradii Laga Soo Xidhay Laascaanood

0
1842

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay maanta Xabsiga Mandheera ka sii daysay 29 dhalinyaro ah, kuwaas oo laga soo xidhay magaalada Laascaanood, kadib rabshaihii halkaasi ka dhacay.

Dhalinyaradan maata laga sii daayey xabsiga Mandheera, ayaa lagu wareejiyey Odayaal iyo Siyaasiyiin ka jeeda gobolka Sool, kuwaas oo isku xil qaamay dejinta xiisada ka aloosan magaalada Laascaanood.

Dhalinyaradan xabsiga Mandheera laga sii daayey ayay ciidamada aamaanka Somaliland ka qabqabteen magaalada Laascaanood oo ay ka dhaceen mudahaarado ka dhashay dilalka qorsheynsan ee ka dhaca magaaladaasi.

Taliyaha xabsiga dhexe ee Mandheera Ibraahim Cabdilaahi Aw Daahir (Afyare), ayaa sheegay in xukuumaddu xoriyadoodii u celisay 29kan dhalinyarada ah oo muddo 4 cisho ah ku xidhnaa xabsigaasi.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac, Guddoomiyihii hore ee gobolka Sool Cabdikhayre Dirir iyo Maayirkii hore ee magaalada Laascaanood Faarax Ciise Cabdi oo goobta ka hadlay, ayaa Madaxweynaha Somailand Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliska Ciidamada uga mahad-celiyey sii deynta dhalinyaradaas.

Masuuliyiintan, ayaa shacabka reer Laascaanood ugu baaqay inay is dejiyaan, iyagoo sheegay in xukuumadda Somaliland wadahadal ku xalinayso tabashada reer Laascaanood oo ay ugu horeysa sugida nabadgelyada iyo soo qabashada kooxaha arxan laawayaasha argagixisada ah ee magaaladaasi ku laaya haldoorka bulshada.

Dhalinyaradan oo lagu soo xidhay rabshadihii dhowaan ka dhacay magaalada Laascaanood, ayaa waxaa loo qaadi doonaa magaalada Laascaanood ee xarunta ee gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here