Somaliland oo weerar afka ah ku qaadday Turkiga

0
7414

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyadoona uga digtay arrimaha dalkeeda ee uu faraha kula jiro.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici oo qoraal ku baahiyay boggiisa X, ayaa Madaxweynaha Turkiga ugu digay in uu faraha kala baxo arrimaha Somaliland ee uu faro gelinta ku hayo.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Turkiga, in uu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, sidii ay marar badan oo hore fareen.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in Erdogan ay mar kale u sheegayaan in Somaliland ay qaadatay xornimadeeda 1960-Kii, oo aanay samaynin xuduudaha dalalka Afrika ee ay ahaayeen kuwo soo jireen ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa sheegay in ay farayaan Erdogan in aanay Somaliland ahayn kooxaha dagaalka kula jira Turkiga ee PKK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here