Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa dawladda Tunisiya geeridii ku timiday Madaxweynihii dalka Tunisiya, Beji Caid Essebsi oo shalay geeriyooday .
Essebsi, oo door weyn ka qaatay u soo guurista dimuqraadiyada tan iyo sannadkii 2011kii,ayaa isbitaal la dhigay dhammaadkii bishii hore waxaana uu todobaad ku sugnaa isbitaal ka dib markii uu qabtay “dhibaato caafimaad oo daran”.ayaa shalay khamiisti geeriyooday.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay ayaa u dhigana sidan hoose.
On behalf of #Somaliland Gov, I offer our deepest condolences on the passing of the President of #Tunisia Beji Caid Essebs. He was Tunisia's first freely elected president after its 2011 pro-democracy uprising.
We honor his legacy and mourn his loss. May Allah grant him Jannah pic.twitter.com/qYe05RreH1
— Vice President Abdirahman Saylici (@VPsomaliland) July 25, 2019