Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in go’aankii Qarammada Midoobay ay cunoqabataynta hubka kaga qaaday Soomaaliya ay cawaaqib xun ku yeellatay xasiloonida mandaqada Geeska Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa wwaxaa uu sidaas ku sheegay qoraal uu caawa ku daabacay bogiisa X (Twitter).
“Go’aanka Qarammada Midoobay ay ku qaaday cunaqabatayntii hubka ee dalka fashilmay ee Soomaaliya, ayaa sababtay cawaaqib xumo iyo xasilooni-darro ballaadhan,” ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan.
Wasiirka, ayaa sheegay in Halkii cunoqabatayntaas la qaaday laga filayey in uu gacan ka geysto nabadda iyo deganaanshaha uu dhiirrigeliyay kooxaha xagjirka ah.
“Halkii cunoqabatayntaas la qaaday laga filayey in uu gacan ka geysto nabadda iyo deganaanshaha, wuxuu dhiirrigeliyay kooxaha xagjirka ah, waxana tallaabadaasi sii wiiqday amniga guud ee gobolka.” ayuu yidhi.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay si degdeg ah dib ugu qiimayso oo ay dib u eegis ku samayso cunoqabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, maadaama khatarteedu sii kordhayso oo ay halis gelinayso xasilloonida Geeska Afrika.