Hargeisa (Hargeisa Press): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in rugsadii ganacsi lagala noqday shirkadda Integrated Shipping Services.
Kadib markii shirkadaasi lagu caddeeyey in ay ku xad-gudubtay shuruucda ganaci iyo ogolaanshiyaha rugsada la siiyay ee shuruucda Somaliland.
Sidaasina waxaa lagu sheegay wareegto uu galabta soo saaray wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).
Shirkadda Integrated shipping Services, ayaa lagu eedeeyay in ay Dekedda Berbera soo geliyeen Mr. Roba Megersa, oo ah madaxa Ethiopian Shipping and Logistics Service Enterprise ee dalka Itoobiya.
Arrintaasi oo la sheegay in aanay dawladdda Somaliland waxba ka ogayn, isla markaana aanay shirkadu ku soo wargelinin ama la socodsiinin haayadaha dawladda ee ay khusayso.