Somaliland oo Odayaasha Dhaqanka Ka Joojisay Inay Soo Faro-geliyaan Kiisaska Kufsiga

0
2181

Hargeysa (Hargeisa Press)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta fadhi ay yeesheen waxaa ay ka soo saareen go’aan culus oo ka dhana arrimaha la xidhiidha kiisaska kufsiga ee dalka ka dhaca.

Golaha Wasiirrada Somaliland, waxa uu dood iyo falan-qayn dheer ka dib go’aan gole ka soo saaray arrimaha soo noq-noqday ee la xidhiidha kufsiga.

Waxanay go’aamiyeen in aan kufsi dhacay aan bannaanka lagu xallin karin ama aanay odayda dhaqanku ka heshiin karin, balse Garsoorka oo keliya loo daynayo.

Go’aankan, ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan Madaxweyne Biixi uu sheegay in ay jiraan 11 nin oo kufsi wadareed gabadh u wada geystay kuwaas oo la diiday in sharciga la hor geeyo.

Bahda dhaqanka oo saamayn weyn ku dhex leh arrimaha Somaliland ka dhaca, ayaa xalliya hawlaha la xidhiidha dilalka, kufsiga iyo weliba xataa doorashada iyo siyaasadda marka laysku mari waayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here