Somaliland Oo Ka Hadashay Weerar Lagu Soo Qaaday Ciidanka Qaranka Ee Sool

0
1459

Laascaanood (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaal maanta gobolka Sool ku dhexmaray ciidamadda qaranka JSL iyo kooxaha Huwanta.

Sida lagu sheegay war ay dagaalkaasi ka soo saartay wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, waxay canbaaraysay falkaasi oo ay ku tilmaameen mid gar-darro ahaa.

Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ayaa bogaadisay ciidanka Qaranka JSL, waxaanay farriin u dirtay beesha caalamka iyo dalalka dariska.

HALKAN KA AKHRISO WARKAASI:
“Wasaarada Gaashaandhiga JSL, waxay si xoog ah u cambaaraynaysa talaabada gardarada ah ee doqoniimada ah, ee ay saaka ku kaceen maleeshiyaadka Laascaanood, ciidamada Puntland iyo kooxo argagixiso ah oo caan ah”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Waxa warbixinta lagu sheegay in Somaliland ay talaabadan u aragto mid khatar ku ah amniga, waxaanay sheegtay in ciidamadeedu ay si geesinimo leh iskaga difaaceen weerarka, isla markaana ay burburiyeen ciidamadii weerarka soo qaaday.

Somaliland beesha caalamka ayay ugu baaqday in ay kala qaybgasho cambaaraynta weeraro argagixiso, iyada oo sheegtay in dagaalka argagixisadu u baahanyahay iskaashi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here