Somaliland oo Ka Hadashay Qoraalo Ka Dhan Ah Madax-banaanida Somaliland oo Lagu Baahiyay Baraha Bulshada

0
3748

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysa ka hadashay qoraalo ka dhan ah qaranimada iyo madax-banaanida jamhuuriyadda Somaliland oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Somaliland ayaa sheegay in aan is barbar dhig lagu samayn karin sagaal iyo labaatan sano ka hor halkay Somaliland taagnayd iyo heerka ay maanta marayso iyaga oo ku tilmaamay qoraaladaasi qaar aan aqoon fikir saxa ku dhisan ka iman.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada iyo Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qoxoontiga Qaranka ayaa ka hadlay qoraaladaasi maalmihii lasoo dhaafay baraha Bulshadu ku wadda xidhiidho lagu qorayey oo su’aal lagu  galinayey Somaliland 29-ka Sanno ee ay jirtay waxa u qabsoomay.

Ugu horeyna waxa qoraaladdan ka hadlay Guddoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif, waxaanu sheegay in aan is barbar dhig lagu samayn karin sagaal iyo labaatan ka hor halkay Somaliland taagnayd iyo heerka ay maanta marayso iyaga oo ku tilmaamay qoraaladaasi qaar aan aqoon fikir saxa ku dhisan ka iman, dadka sidaas u fikirayaana ay muujinayaan calaamadaha abaal ka dhaca.

Geestooda waxa iyaguna arrimahaas ka hadlay Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye iyo Wasiir ku xigeenka wasaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Muuse Ibraahim Salaf, waxaanay masuuliyiintani sheegeen in hadalada caynkaas ahi ay yihiin qaar laab la kac ah oo meelo kale laga soo abaabulayo, waxaanay tilmaameen in ciddii rabta inay wax saxdo ay sixitaanka u lee yihiin dariiqyo iyo wadooyin ay u mari karaan, waxna ku sixi karaan.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here