Somaliland oo ka hadashay fashilka Soomaaliya ka soo gaadhay wadahadalladii Itoobiya

0
2943

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa ka hadlay wadahadallada fashilmay ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya.

Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibedda oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa X, ayaa sheegay in sidii caadada ahayd ay Soomaaliya soo waajahday fashil kale.

Wuxuu sheegay in uu rajaynayo in Soomaaliya ay cashar ka baran doonaan ceebta soo gaadhay.

Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa sheegay in is-afgaradkii u dhexeeyay dowladda Somaliland iyo Itoobiya la soo gaba-gabayn doono dhawaan.

“Sidii caadadu ahayd, fashil kale ayaa soo wajahday dawladdii fashilantay ee Villa Muqdisho. Waxaan rajeynayaa in markan ay cashar ka baran doonaan ceebtan. Is-afgaradkii u dhexeeyay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhawaan la soo gebagabaynayaa”

Sida laga soo xigtay ilo dublamaasiyadeed, dowalada Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa in aanay dib uga laaban doonin heshiiskii is-afgarad ee ay Somaliland la saxeexatay 1-dii bisha January sannadkan 2024-ka, waxaanay wacad ku martay inay si rasmi ah u shaacin doonto toddobaadyada soo socda.

Itoobiya, ayaa ku adkaysatay rabitaankeeda dekedda Somaliland, waxayna diiday inay ka noqoto heshiiskii isfaham ee ay Somaliland la gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here