Somaliland oo heshiis la gashay Shirkadda Baadhista Macdanta ee Imaaraadka Carabta

0
3391

Dubai (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay heshiis is afgarad ah la gashay shirkada baadhista Macdanta ee dalka Imaaraadka Carabta ee (Emirates Industrial Laboratory).

Kulanka ay heshiiska ku wada saxeexdeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda baadhista Macdanta ee dalka Imaaraadka Carabta ee Emirates Industrial Laboratory, ayaa ka dhacay Xafiiska Safaaradda Somaliland ay ku leedahay magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta.

Heshiiskan oo ku saabsan in la iska kaashado sameynta iyo horumarinta shaybaadhka Macdanta, ayaa waxaa Xukuumadda Somaliland u saxeexay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Soamliland, Maxamed Cismaan Siciid.

Waxaana uu heshiiskani Somaliland ka taageeri doonaa sameynta iyo horumarinta shaybaadhka Macdanta Somaliland, si loo helo shaybaadh horumarsan oo lagu baadho Macdanta dalka.

Hadaba, isafgaradkani wuxuu dhabada u xaadhayaa in ay Somaliland yeelato shaybaadh casri oo lagu kalsoonan karo isla-markaana lagu baadhi karo noocyada kala duwan ee macdanaha Somaliland qaniga ku tahay.

Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta, ayaa leh xidhiidh soo jireen ah kaasi oo ay iska kaashadaan dhinaca horumarka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, mana aha markii u horaysay ee ay heshiis iskaashi kala saxeexdaan, balse waxa jira heshiisyo taabagalay oo ay kala saxeexdeen laba dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here