Somaliland oo dunida carabta usoo bandhigtay sababtay u xidhay Maktabadda Masar

0
5217

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa dunida Carabta u bandhigtay sababta ay u xidhay Maktabadda dhaqanka ee dalka Masar ku lahayd caasimadda Hargeysa ee Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo u warramay Telefishanka Al-carabiya oo ka mid ah Warbaahinta Khaliijka Carabta, ayaa wax laga waydiiyay ujeeda dhabta ah ee dowladdu u xidhay Maktabadda dhaqanka ee Masar.

Wasiirka, ayaa sheegay in xidhista Maktabadda dhaqanku ay salka ku hayso in hawl-wadeennadeedu faraha kula jireen wax ka duwan sababtii markii hore loo aasaasay.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa waxa kale oo uu ka waramay fashilkii ku yimid Midowgii Somaliland ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan, ayaa sheegay in aanay marnaba suurto-gal ahayn in Somaliland dib ula midowdo Soomaaliya.

“Midowgii aanu la galnay Soomaaliya wuxuu ahaa mid fashil ah, in aanu dib ula midownaana maaha wax suurto-gal ah.”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isagoo intaa raaciyey in Somaliland xilligan dedaal ugu jirto sidii ay beesha caalamka uga heli lahayd aqoonsi buuxa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here