Somaliland oo dil toogasho ku fulisay lix ruux

0
829

Hargeysa,(HargeisaPress)-Xukuumadda Somaliland ayaa saaka dil ku fulisay lix ruux oo sanado badan xidhnaayeen, kuwaasi oo gaystay dilal kala duwan oo horay u dhacay.

Lixda ruux ayaa lagu toogtay Jeelka Mandhera, kadib markii la go,aamiyay dilkooda.

Xukunka toogashada ah ayaa waxaa uu ka dhacay jeelka wayn ee Mandheera ee Gobolka Saaxil ee Somaliland, waxaana ragga la toogtay ay kala yihiin.

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi saleebaan.

2: Gacan ku dhiigle Xasan muxumad cismaan Ina shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun ismaaciil faarax maxamad.

3: Gacan kudhiigle khadar Aleel xirsi Ina maryan cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun siyaad Cabdi muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad.

#Goobta_Qisaasta
Waxaa dilkaasToogashada Qisaasta ah lagu Fuliyey Goob fagaare ah Taas oo ka soo Horjeeda Xabsiga Mandheera.

Xigasho Xafiiska Xeerilaalinta Guud

LEAVE A REPLY