Somaliland oo baaq u jeedisay waddamada Beesha Caalamka

0
5320

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa ay baaq culus u jeedisay waddamada beesha caalamka.

Waasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo qoraal soo saartay, ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay aqoonsadaan madaxbannaanida Somaliland.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayay ku caddaysay inay Somaliland 64 sanno ka hor ay qaadatay madax bannaanideeda.

Waxa kaloo ay sheegtay inay Somaliland ku naalloonayso nabadgelyo, dimuqraadiyad iyo horumar.

Wasaaradda Khaarajigu waxay ku boorisay beesha caalamka inay aqoonsadaan madaxbannaanida Somaliland, si mustaqbal cad loo dhiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here