Somaliland Oo 600, 000$ Ku Caawisay Fatahaadihii Beledweyne

0
521

Muqdisho (HP): Guddiga ay Somaliland u xil saartay ururinta taakulaynta lagu caawinayay dadka magaaladda Beledweyne ee bishii hore fatahaado iyo Daadadku barokiciyeen ayaa maanta gaadhay magaaladda Muqdisho.

Guddigaasi oo isugu jirtay culimaw-diin, ganacsato iyo masuuliyiin ka tirsan rugta ganacsiga Somaliland oo maanta duulay magaaladda Hargaysa ayaa isla maanta gelinkii danbe gaadhay magaaladda Muqdisho.

Waxaanay  guddigaasi sideen lacagta qadarkeedda lagu sheegay in ay dhan tahay $600,000 oo dollar.

Guddigan ka socday Somaliland ayaa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxay faahfaahin ka bixiyeen qadarka lacageed ee ay sidaan iyo sidii ay ku soo ururiyeen.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

https://youtu.be/DjhmZMeHX2E

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here