Hargeisa (Hargeisa Press) – 29 Muwaadiniin oo reer Somaliland ah, ayaa muddo laba Bilood ah ku xidhan Magaalada Hargeysa, ka dib markii lagu eedeeyay inay sameeyeen Mudaharaad ay kaga cabanayeen Shirkadda soo saarta Sharaabka ee la yidhaahdo U-FRESH, taasi oo Xarun ku leh Magaalada Hargeysa.
Shaqaalaha Dibed-baxa Cabashada ah sameeyay, ayaa lagu eedeeyay inay Burburiyeen Qaar ka mid ah gaadiidka Shirkadda U-FRESH ee ay u shaqaynayeen, waxaana loo Taxaabay Xasbiga, ka dib markii ay Shirkaddu soo dacwaysey.
Shaqaalaha oo Tiradoodu dhan tahay 29 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar, ayaa Mudaharaadkoodu salka ku hayey in aanay isku dhigmin Mushaharka ay shirkaddu siin jirtay oo Toddobaadkiiba ahaa $ 32 dollar oo keliya iyo in shaqadu ku badan tahay.
Balse, Shirkadda U-FRESH ee khasaaraha ka cabatay, ayaa ogolaatay in Shaqaalihii u xidhnaa loo soo celiyo Xorriyaddooda, ka dib markii Ehelka iyo Waalidiinta Dadka xidhani bixiyeen wixii shirkaddu ku qiimaysay khasaaraha soo gaadhay gaadiidkeeda, waxayna Shirkaddu Maxkamadda Hargeysa oo haysay kiiskan ku war-gelisay inay la laabatay Dacwaddeedii, sidaasi darteedna la siiyo daayo Shaqaalaha xidhan.
Nasiib-darro’se, waxa illaa hadda xidhan 29-ka shaqaalaha ah ee Shirkaddii ka cabatay fasaxday, arrintaasi oo aan illaa hadda la garaneyn waxa Maxkamaddu u cuskanayso, maaddaama oo ay Toddobaad walba Waaranka sii hayntooda cusboonaysiiso.
Sidaasi darteed, waxa muhiim ah in Guddoomiyaha Maxkamadda sare Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda ee Qaranka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabilsan ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ahi inay si deg-deg ah u soo faro-geliyaan isla-markaana wax laga qabto xadhiggan Sharci-darrada ah, iyadoona arrintan wax laga waydiiyo Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa, si ay Caddaalad u helaan Muwaadiniinta muddada 2-da bilood ah sababta la’aanta ugu xidhan Hargeysa.
Shirkadda U-FRESH, ayaa waxaa iska leh Ganacsato u dhashay Dalka Shiinaha iyo xubno reer Somaliland ah oo ku shuraakoobay shirkada.