HARGEISA , (HargeisaPress) —Kulan Howleedkaasi Oo Mudada Uu Socdo Lagaga Hadli Doono Howlaha Maamul Daadajinta Oo Ay Si Wado Jir Ah Iska Kaga Kaashanaayaan Hay’adda UNICEF Iyo Dowlada Hoose Ee Magaalada Hargeysa ,Isla Markaasina La Rabo In Maamul Daadajintaasi La Gaadhsiiyo Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka.
Waxaana Kulankaasi Job Joog Ku Ahaa Qaar Ka Mid Ahaa Maaiyrada Degmooyinka Dalka,Agaasimo Waaxeedo Iyo Xubno Ka Socday Hay-Adaha Qaramada Midoobay Iyo Marti Sharaf Kale Oo Lagu Soo Casuumay Kulankaasi.
Maayirka Magaalada Hargeysa C/Raxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco) Oo Kulankaasi Si Rasmi Ah u furay Ayaa Si Qotodheer Uga Waramay In Maamulka Dowlada Hoose Ee Magaalada Hargeysa A Ka Go-An Tahay In Ay Xoogga Saaraan Adeegyada Kala Duwan Ee Dhinaca Arrimaha Bulshada Saameeyawaxaani Yidhi:
“Runtii Maanta Mihiimad Weyn Ayey Noo Leedahay In Waaxda Arrimaha Bulshada Oo Ay Hoos Yimaadaan Dhammaan Adeegyadii Aaas Aaasiga Ahaa Ee Ay Ummadeenu Ubaahan Tahay In Dib Loo Dhiso Run Ahaan Tii Marka Aanu Diyaarinayno Miisaaniyadayada Waxaa U Badan Labo Waaxood Oo Kala Ah Waaxda Arrimaha Bulshada Iyo Waaxda Howlaha Guud Iyadoo Degmooyinka Qaar Ay Isku Jiraan Waaxda Howlaha Guud Iyo Waaxda Dhulku.
“Laakiinse Hargeysa Ahaan Waanu Kala Saarnay Waaxda Dhulka Iyo Waaxda Howlaha Guud Oo Kala Saaran Si Loo Daadajiyo Maamulka Oo Waxbarashada Tayadeedii Looga Shaqeeyo Oo Looga Shaqeeyo Caafimaadkii Anagu Waxaanu Soo Dhaweynaynaa In La Dhiso Waaxda Arrimaha Bulshada Oo Waliba Si Xoog Ah Loo Dhiso Oo Anaguna Diyaar U Nahay In Mar Walba La Dhiso”.
“Sida Aad Lawado Socotaan Sanadkan 2015kii Iyo 2016kii Labadaba Waxaanu Diyaar U Aheyn In Aani Bayloodka Kaga Qaybqaadano Ee Maamul Daadajinta Oo Waxbarashada Iyo Caafimaadkaba Aanu U Diyaarino Bajadkii Aanu Kaga Qaybqaadaneynay Aanu Diyaarino Waaxdaasina Aad Ayey Muhiim U Tahay Oo Anaguna Waanu Soo Dhaweynaynaa Oo Aad Ayey Muhiim U Tahay Aadna Waad U Mahadsan Tihiin.”
HargeisaPress News Desk — Hargeysa