Somaliland: Kulan Dhexmaray Guddi Hoosaadka Joogtadda Ee G. Guurtidu iyo Taliyaha Laanta Socdaalka

0
443

Hargaysa (HP): Xubnaha xildhibaanadda guddi hoosaadka joogta ah ee golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta kulan xog waraysi ah la qaatay taliyaha haayadda laanta socdaalka ee Somaliland Maxamed Cismaan Caalin.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Guurtidda ee magaaladda Hargaysa ayaa ka dib markii uu soo dhamaaday ayaa taliyaha laanta socdaalku waxa uu warbaahinta faahfaahin ka siiyay arrimihii ay labadda dhinac ka wada hadleen.

Waxaanu sheegay sareeye guuto Maxamed Cismaan Caalin, in guddiga joogtada ah ee Guurtidu ay u yeedheen, isla markaana wixii su’aalo ahaa ee ay uga baahnaayeen ay ka waydiiyeen hawlaha shaqo ee laanta socdaalka.

Sidoo kale waxaa isna warbaahinta uga warbixiyay qodobadii kulankaasi lagaga wada hadlay guddoomiyaha guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha Guurtidda xildhibaan Xildhibaan Dayib Xasan Axmed.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here