Somaliland: Komishanka Doorashooyinka Oo Digniin U Diray Xisbiyadda iyo Masuuliyiinta Dawladda

0
875

Hargaysa (Hargeisa Press): Guddiga doorashooyinka qaranka ee Somaliland ayaa xisbiyadda siyaasadda iyo masuuliyiinta xukuumadda uga digay sheegista arrimaha natiijooyinka doorashooyinka.

Cidii isku dayda arrimahaasina waxay gelaysaa xad-gudub sharci, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xarunta dhexe ee komishanka doorashooyinka Somaliland.

Warkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Komishanka doorashooyinka qaranku waxa uu ka digayaa in cid aan ahayn mauuliyiinta Komishanka ee heer degmo, gobol iyo qaran aannay isku dayin sheegista natiijooyin aan sugnayn.

Sida Xeerka doorashadu dhigaayo natiijooyinka waxaa loogu dhawaaqayaa heer degmo, gobol iyo qaran. Kuwaasoo intoodaba ku-dhawaaqistooda uu gaar u leeyahay Komishanku, cid kastoo aan Komishanka ahaynina aannay xaq u lahayn arrimahaas.

Cidii isku dayda arrimahaasi waxay gelaysaa xad-gudub sharci. Waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan”.

“Si gaar ah waxaa digniintan loogu socodsiinayaa  mauuliyiinta dawladda iyo axsaabta qaranku inay arrimo la xidhiidha sheegista natiijooyin aan komishanka doorashooyinka qaranka  ka soo bixin ay isku dayaan.

Ugu dambayntii KDQ waxa uu dadweynaha sharafta badan ee jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa dhammaystirka guushii iyo galladii ay ku hirgeliyeen, Codbixintii doorashada Isku-sidkan ee Goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka ee jamhuuriyadda Somaliland”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here