Hargeisa (Hargeisa Press) – Dalalka Somaliland iyo Taiwan ayaa waxaa ay ka wadahadleen sidii looga midho dhalin lahaa cilaaqaadka labada dal u dhexeeya.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay inuu dawladda Taiwan kala hadlay sidii looga sii wada faa’iidaysan lahaa iskaashiga saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal.
Sidaasn waxa lagu sheegay qoraal kooban oo lagu daabacay barta wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ku leedahay Twitterka.
Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan oo kulan muuqaal arag ah la yeeshay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Dr. Joseph Wu, ayaa waxaa uu kula hadlay kor u sii qaadista iyo ka midho dhalinta cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dawladood.
Somaliland iyo Taiwan oo bishii bishii February ee sanadkii 2020 ka kala saxeexday heshiis isfgarad iyo mid diblumaasiyadeed, ayaa marba marka kasii dambaysa waxaa sii xoogaysanaya xidhiidhka labada dal, iyadoona labada dal ay xafiisyo ka kala furteen magaalooyinka Hargeysa iyo Taipei.