Hargeysa (Hargeisa Press) – Safiirka dowladda Sweden u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador Per Lindgärd, ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka Somaliland Maxamed Baaruud Cali.
Kulanka Safiirka dowladda Sweden la qaatay Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka, ayaa waxaa Safiirka ku wehelinayay Saraakiil sar sare oo ka socda dowlada Sweden, halka Guddoomiyaha ay kulankaasi ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan xafiiska komishanka.
Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka, ayaa ahaa mid labada dhinac kaga wadahadleen xalaadaha kala duwan ee Arrimaha Xuquuqal Aadamaha ee Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadamaha.
Intii uu socdey kulankani waxaa sido kale lagaga wadahadlay xoojinta xidhiidhka wadashaqaynta labada dhinac ee Komishanka xuquuqal aadamaha iyo dowladda Sweden.
Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka Somaliland Maxamed Baaruud Cali, ayaa safiirka uga xogwaramay arrimaha ku aadan arrimaha xuquuqal aadamaha ee dalka.
Ugu dambeyntiina Safiirka dowladda Sweden, Ambassador Per Lindgärd, ayaa mahadnaq u soo jeediyey xafiiska komishanka xuquuqal aadamaha qaranka, isagoo ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay uga shaqeeyaan arrimaha xuquuqal aadanaha.
Safiirka dowladda Sweden, Ambassador Per Lindgärd oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Somaliland, ayaa intii dalka joogay wuxuu kulamo gooni gooni ah la qaatay masuuliyiinta ugu saraysa dalka.