Somaliland iyo Baanka Adduunka oo kulan ku yeeshay dalka Kenya

0
1399

Nairobi (Hargeisa Press)- Wefti uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaarada horumarinta Beeraha Somaliland Cabdikariim Aadan Cadde, ayaa maanta waxaa uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan is-xogwaraysi ah kula yeeshay Madaxda Baanka Adduunka.

Is-xogwaraysiga oo ay qayb ka ahaayeen Guddiga xidhiidhinta Mashruuca FSRP oo Baanka Adduunku Maalgeliyo, kuwaasi oo uu ka mid yahay Madaxa Guddigaasi Kayse Axmed Maxamed (Jeelle), ayaa ku saabsanaa isla-markaana lagaga wada-hadlay wixii u qabsoomey mashruuca FSRP 6-dii bilood ee u dambeeyey iyo qorshaha 6-da bilood ee soo socda.

Shirka oo ka dhacey Hotelka Windsor Golf ee magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, ayaa waxa khudbad ka jeediyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland.

Waxaanu uga mahadnaqey Baanka Adduunka taageerada ay siiyaan Mashruuca FRSP, kaas oo ay wada fuliyaan wasaaradaha Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Horumarinta Reer Miyiga iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Agaasimuhu waxa uu ka hadley muhiimadda ay leedahay in Baanka Adduunku uu si gaar ah ula shaqeeya Somaliland, maaddama ay tahay waddan nabad ah oo la soo kormeeri karo mashaariicda laga fuliyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here