Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, ayaa maanta wada jir ugu dhawaaqay Natiijada Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sideedaad iyo Dugsiyada sare ee 4-aad. waxaa sanadkan Imtixaanka u fadhiistay ayaa ah 13,266 Arday oo fasallada 8-aad ah iyo 7,799 Arday oo Fasallada 4-aad ee Dugsiga sare ah, kuwaasi oo badankoodu gudbay.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa sanadkan soo dhajinta Imtixaanka ku soo kordhisay qaab cusub oo loo kala saaray Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladda.
Sidoo kale waxaa lagu dhawaaqay Ardayda ugu saraysay Dhibcaha Imtixaanka Shahaadiga ah, iyadoo halkan hoose aanu idiinku soo gudbinayno siday u kala dhignaayeen.