Somaliland: Gorgor Wiil Yar Ku Cunay Deegaanka Xaaji Saalax

0
2069

Hargeisa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daad Madheedh Cali Muuse Faarax ayaa sheegay in gorgor dad cun ahi  uu shalay ku cunay wiil yar oo 9 jir ah meel 4km u jirta  degmada Xaaji Saalax oo ku taalla dhinaca xadka Itoobiya.

Cali Muuse Faarax Guddoomiyaha Degmada Xaaji Saalax, ayaa sheegay in gorgorkaasi uu cabsi ku abuuray bulshada deegaanka  isla markaana ay waalidiintu heegan ugu jiraan sidii ay carruurta xoolaha la joogta uga ilaalin laheyd gorgorkaas dad cunka ah.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in wiilkii uu shalay cunay gorgorkaasi saaka la aasay.

Cali Muuse Faarax wuxuu tilmaamay in Gorgorkan oo la moodayey mid kaliya dhawaan la dilay hase ahaatee ay soo baxayso dhawr xabo yihiin.

Guddoomiyaha degmada Xaaji Saalax wuxuu bulshada deegaankaas ugu baaqay inay si feejigan caruurta iyo xoolahaba uga ilaaliyaan gorgorkaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here