Somaliland: Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur-joogta

0
836

golaha-wakiilada1Hargeysa, (HargeisaPress) —Mudaneyaasha Aqalka Wakiilada Somaliland, ayaa maanta Ansixiyay Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duurjoogta kaddib markii Goluhu aanu wax fadhi ah yeelan maalmihii u dambeeyay oo Kooramku buuxsami waayay.
Fadhiga Maanta oo uu gudoominayay Gudoomiye xigeenka 1-aad,ahna kusimaha gudoomiyaha Baashe Maxamed Faarax ayaa mudaneyaashu cod ugu qaadeen xeerka,  Waxaana ogolaaday in la ansixiyo 42 mudane, Waxaa Diiday in la ansixiyo 3 mudane, Waxaana ka aamusay hal mudane,Guddoomiyuhuna ma codayn sida caadiga ah tirada guud ee Xildhibaanada fadhiga ka qayb qaatayna waxay ahaayeen 47 mudane. Xeerkuna sidaasi ayuu ku ansaxay.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here