Somaliland: Booliska Oo Amniga Adkeeyay Dilkii Taliyaha Birmadka Ka Dib Iyo Madaxda Booliska Oo Ka Hadashay + Muqaal

0
882

Berbera, (HargeisaPress) — Alle haw naxariiste waxa geeriyooday taliyihii ciidanka SPU ee Booliska gobalka Saaxil Marxuum Aadan Guuleed Daahir (Talaabo) oo uu rasaas ku furey mid ka mid ah askartii xalay heeganka kaga jirtay saldhiga Berbera oo ay saaka ka socotay xil wareejin xilka loogu kala wareejinayay laba sarkaal oo Boolis ahi.

 

Askariga oo aan la garanayn sababta uu rasaasta ugu furay taliyaha, ayaa waxa ay rasaastii uu furay sababtay in taliyuhu markiiba u geeriyoodo, waxaana maydkiisa la geeyay cisbitaalka Berbera, iyadoo askarigii dilka gaystayna xabsiga lagu hayo.

 

 

Xil wareejintii ayaa noqotay mid qasantay, waxaana xarunta saldhiga hortiisa ka bilaabmay mudaharaad ay samaynayeen ehelada sarkaalka geeriyooday oo dalbanaya inaan maydka la aasin.

 

Alle haw naxariisto Marxuum Talaabo, maaha taliyihii u horeeyay ee ay askarta ciidamada Somaliland dilaan, waxaana muddooyinkan dambe la arkayay cudur galay ciidamada oo sababay geerida dhawr sarkaal.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here