Somaliland: Baanka Dhexe Oo Digniin U Diray Jaamacaddaha iyo Dugsiyadda

0
905

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga digay ganacsatadda iyo masuuliyiinta dugsiyadda waxbarashadda in ay dadka ka qaadaan lacag qiimaheedu ka baxsan yayahy in baanka dhexe u gooyay.

Wasiirku xigeenka  wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska  iyo agaasimaha guud ee baanka dhexe oo maanta shir jaraa’id qabtay  ayaa Jaamacadaha iyo dugsiyadda gaarka loo leeyahay ugu baaqay in lacagta ardayda laga qaado lagu jaangooyo qiimaha safirka lacaguhu dalka ka joogo hada.

Maxamed Daahir Axmed, wasiir ku xigeenka waxbarashadda iyo agaasimaha baanka dhexe Axmed Xasan Carwo, waxay sheegeen in aan la aqbali Karin in ardayda dugsiyadda gaarka loo leeyahay laga qaado wax ka baxsan qiimaha baanku u jaray.

Sidoo kale agaasimaha guud ee baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo waxaa uu xusay in hada sarifka lacagta qalaadii ay hada mareyso sideed kun iyo shan boqol oo shilin, waxaanu uga digay in cidii isku dayda wax intaasi ka badana aanay u dulqaadan doonin.

Ugu horeyn agaasimaha guud ee baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo ugu horeyn goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadaal dheer kadib baanka dhexe ku guuleystay inuu hoos u dhac ku keeno sarifka dollarka Marweykanka.

Waxaanu yidhi   “Muddo badan waxaanu dedaal u galnay sidii shillinka  Somaliland uu qiimo u yeelan lahaa, oo uu kor ugu  kici lahaa.

Qiimihiisana bulshadu si weyn uga cabanayeen u la-na daala dhacayeen sicir-bararka.

Khaasatan dadka danyarta ah, ee dakhligoodu yahay shilinka dedaal xoog leh ayaanu u galnay.  Muddo sanad ah  ayaanu joognay waxaanu ka gaadhnay  guul wanaagsan.

In sideed kun iyo shan boqol (8500) oo shilin lagu sarifo dollarkii, maanta isagoo sideed kun iyo shan boqol maraya in la yidhaahdo dadkii toban kun oo shilin ayaanu ugu dhufanaynaa noocyadda ribada ayay ka mid tahay”.

Geesta kale wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Maxamed Daahir Axmed,  gudoomiyayaasha jaamacadaha iyo maamuleyaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay ugu baaqay in lacagta ardayda laga qaadayo lagu saleeyo qiimaha sarifka dollarka ee wakhtigan.

Waxaanu yidhi “Waxbarashadu waa arrimaha bulshadda waxyaabaha ugu mihiimsan, waana in la dhiirigaliyo, maadaama ujeedadii kobcinta aqoontu ay ku jirto goob kastoo wax lagu barto, si waalidkii iyo ardaygii mar walba waxbarashadaasi ugu guuleystaan.

Waxaa haboon wixii dhibaato u keenaya in laga daayo, marka goobaha wax lagu barto. Waxaanu faraynaa inay ardayda ka qaadaan qiimaha shilinku uu ka marayo suuqa, isla markaana aanay saarin qiimo aanu suuqa ka maraynin, bulshadooda-na u naxaan qayb-na ay ka qaataan horumarinta cilmiga, ardayda danyarta ahna aynu sigaara u tixgalino”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here