Muqdisho (Hargeisa Press)- Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland, ayaa si adag uga hor yimid casuumaad uu Madaxweynaha Soomaaliya uu u fidiyay Cabdiqaadir Firdhiye si uu uga qayb galo Shirka Golaha Wadatashiga Soomaaliya ee lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanadan oo tiradoodu tahay 29, isla-markaana si wadajir ah maanta u soo saaray war-saxaafadeed, ayaa dhaleeceeyay hadalkii Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu ka sheegay Magaalada Laascaanood, iyagoona ku tilmaamtay Inuu yahay mid dhaawacaya hannaan-dhiska dowladeed, oo sii hurinaya colaadda Gobolka Sool, xilli ay jiraan dadaallo nabadeed oo ay beelaha deegaanku hormuud u yihiin.
“Hadalka Raysal Wasaaruhu, oo sida uu sheegay uu la qabo madaxweynuhu, waa go’aan aan lahayn saldhig sharci, horseedina kara kala qaybsanaan siyaasadeed iyo fowdo ku timaadda geeddi-socodka dhismaha dowladda,” ayay Xildhibaanadu ku yidhaahdeen war-saxaafadeedka.
Waxaa ay sidoo kale Xildhibaanadu ay sheegeen in dariiqa qudha ee Soomaali midaysan, xasilloon oo is ogol lagu heli karo ay tahay dib u ambaqaadidda wadahadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.
“In dariiqa keli ah ee Soomaali midaysan, xasilloon oo is ogol lagu heli karaa ay tahay dib u ambaqaadidda wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland,”.
Xildhibaanada, ayaa waxaa kale oo ay si cad u sheegeen in aanay aqbali doonin wax tixgelin ah oo la siiyo maamul sheeganaya in uu yahay dowlad-goboleed cusub, iyadoo aan la raacin hanaanka uu dhigayo Dastuurka Kumeel Gaadhka ah. Waxay mudanayaashu xuseen in qodobka 49-aad iyo 48-aad ee Dastuurka Soomaaliya ay si cad u tilmaamayaan in wax maamul cusub ah qaab sharci darro ah lagu dhisi karin.
“Hindise kasta oo degmo ama qaybo ka mid ah gobol loogu aqoonsanayo maamul Goboleed iyadoo aan la raacin dariiqa dastuurka, waxay tahay mid horseedi karta burbur dowladeed iyo inay kala daataan maamullo hore u dhisnaa,” ayay yidhadeen.
Xildhibaanada, ayaa waxaa ay Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxtooyada uga digeen in ay si khaldan u turjumaan rajada midnimada Soomaaliya, iyagoo sheegay in haddii la iska indhatiray xaqiiqooyinka taariikhiga ah ee xanuunka leh, ay adkaan doonto in la helo fursado dhab ah oo nabadeed.
“Waxaanu diidan nahay in si khaldan oo dhantaali karta rajada midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed loo wajahayo arrimaha midnimo-doonka,” ayay Xildhibaanadu ku yidhaahdeen war-saxaafadeedkooda.