Somali travel Agency Oo Shaacisay In ay Bilaabeen Xeraynta Fiiseyaasha Turkiga

2
2834

Istanbul (HP): Shirkada samaynta visaha ee Somali Travel Agency ee dalka Turkiga ayaa shaacisay in ay bilaabayaan qabashadda xeraynta Fiiseyaasha dalka ku galka Turkiga.

Kadib markii uu muddo xayirnaa isu-socodka dhinaca duulimaadyadda ee aduunkoo dhan xanuunka Coronavirus darteed.

Hase yeeshee, shirkadda Somali Travel Agency oo fadhigeedu yahay dalka Turkiga waxay sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee raba in ay hawlo caafimaad iyo daawayn ah u tagaan dalka Turkiga in  laga soo qaadi doono dalka Soomaaliya.

Sidaasina waxaa lagu sheegay  qoraal war-gelin ah oo ay caawa soo saartay shirkaddda Somali Travel Agency oo ay soo gaadhsiiyeen shebekadda wararka ee Hargeisa Press.

“War-gelin: Shirkadda Somali Travel Agency oo hore-ba waligeed u caawin jirtay dadka Soomaaliyeed,  waxay ugu bishaarayneysaa dadka xanuunsanaya ee rabay inay iska daaweeyaan dalka Turkey-ga,  ee xanuunka Corono-19 dartiis u imaan kari waayay in ay iska diiwaangaliyaan Lanbaradan hoos ku qoran.

Cusbitaaladda dalka Turkiga, Wasaarradaha ay khuseyso iyo diyaaradda Turkish Airline ayaa iyagoo iskaashanayaa waxay  ballan qaadayaan in haddii la helo tiro ku filan hal duulimaad (Flight) oo ah diyaarad khaas ah, in laga soo qaadi doono Soomaaliya iyo Jibuuti-ba. Inta Visaha hore u haysatay iyo inta aan haysan-ba.

Arrintani waxay khuseysaa sida ay sheegeen hay’adaha Turkiga, dadka dhaqaala ahaan awooda inay iska bixiyaan caafimaadkooda.

Dhinaca dhaqaalaha waxay noqon doontaa xidho (package) isku xidhan Visaha, Ticket-ka iyo deebaajiga cusbitaalka”.

Wixii faahfaahina kala xidhiidh telefoonadan:

Whatsapp 009050396314589 Xamse Cabdiqani Ibraahim

Shirkadda Somali-travel agency.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here