SOLJA Oo Warbaahinta Ku Amaanay Doorkii ay Ka Qaateen Masiibadii Suuqa Waaheen

0
537

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sekeriye Axmed Muxumed, ayaa guud ahaanba warbaahinta Somaliland ku bogaadiyay kaalintii ay qaateen tebinta musiibadda Dabka ee baabiiyay suuqa Waaheen.
Waxaanu guddoomiyuhu saxafiyiinta ka hawl galla qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland ku amaanay doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen ka waramida intii ay socotay dhibaatadii gubashadda suuqa Waaheen.
Sekeriye Axmed Muxumed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee ururka SOLJA, waxa kaloo uu sheegay in ay xanuunka badan la qaybsanayaan dadkii hantidoodu ka gubatay suuqa Waaheen ee magaaladda Hargaysa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here