Hargaysa (HP): Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta magaaladda Hargaysa 25 saxafi uga furay tababar ku saabsan Maaraynta khatarta Masoobinka Dabiiciga ah.
Tababarkani oo socon doona mudo laba maalmood ah waxaa furitaankiisa goob joog ka ahaa guddoomiyaha ururka SOLJA Sekeriye Axmed Muxumed, iyo agaasimaha SOLJA Ismaaciil Axmed Ismaaciil.
Waxaana tababarkani ka qayb qaadanaya suxufiyiin ka kala socda warbaahinta dawliga ah iyo ta gaarka loo leeyahay.
Kuwaasoo isugu jira suxufiyiin goboladda dalka ka socda iyo kuwo caasimadda Hargaysa ka hawl galla.
Qabashadda tababarkani waxaa iska kaashaday ururka SOLJA oo kaashanaya haayadaha iyo ururadda ay wada shaqaynta leeyihiin.
Tababarkani ayaa mudadda uu socdo waxaa saxafiyiinta lagu bari doonaa macluumaad la xidhiidha qaabka warar, warbixino, iyo barnaamijyo looga diyaariyo maaraynta khataraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.
Furitaankii tababarkaasi waxaa hadalo ka jeediyay guddoomiyaha ururka SOLJA Sekeriye Axmed Muxumed, iyo agaasimaha SOLJA Ismaaciil Axmed Ismaaciil.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.