Horta waa marka koowaad ee aan isla qaadano in aan dhismihii qarankeenu aanu dhamaan, oo meelo badan oo dawladeenu iyo qarankeenu ka kala dhiman yahay ay jirto oo uu ka mid yahay xeerkii bangiga dhexe, bangiga ganacsiga public iyo private lagu maamuliyay; kuwaas oo u baahan in barlamaanku soo saaro sharcigii lagu maamuli lahaa si looga baxo dhibaatada dhaqaalaha waddanka haysata xaga koriinka iyo gaar ahaan sicir bararka. Waddan kasta oo maanta jira dhaqaalihiisa waxa lagu maamulaa laba siyaasadood oo kala ah Siyaasada Qaranka ee Lacagta (National Monetary Policy) iyo Siyaasada Maamulka iyo Cashuurta (National Fiscal Policy – Tax and regulation). Qoraalkanu wuxu ka hadlayaa Siyaasada Lacagta oo keliya.
Siyaasada Lacagta waxa gacanta ku haya bangiga dhexe. Bangiyada dhexe ee adduuntka ku yaala waxay qabtaan ee ay maamulaan dhaqaalaha waddanka iyo lacagta waddanka dhex maraysa oo ay ka mid tahay illaalinta iyo joojinta sicir bararku. Bangiga dhexe oo adduunka meel kasta kaga yaalaa wuxu qabtaa afar shaqo oo waawayn ee hoos ku qoran. Waxa afartaa shaqo la isku yidhaahdaa; Siyaasada Lacagta (National Monetary Policy).
Afartaa shaqo ayaa lagu maamulaa sicir bararka.
1 – Printing Money: Bangiga dhexe wuxu sameeyaa oo soo daabacaa lacagta waddanka lagu isticmaalo sida Somaliland Shillings. Wuxu si joogta ah u maamulaa maalinkasta lacagta suuqa ku jirta ama wareegaysa ee wax lagu kala iibsanayo tiradeeda guud, taas oo ah lacagta dhaqaalaha waddanku ku socdo. Lacagtu maalin kasta qaar baa gabooba ama jeexjeexma oo la soo xareeyaa, marka dhaqaalaha waddanku kor u kaco bangigu wuxu suuqa ku sii daayaa lacag dheeraad ah, marka dhaqaalaha waddanku hoos u dhaco bangigu wuxu suuqa ka saaraa lacag badan oo la xareeyo oo iyada oo la isticmaalayo wax yaabaha aan hoos ku sharxay, taas waxa lagu maamulaa sicir bararka. Bangigu wuxu kalifaa isaga oo raacaya sharciga waddanka in wax lagu kala iibsado lacagta waddanku leeyahay oo keliya, waa lakala sarifan karaa lacagaha qalaad, laakiin lacagta wax lagu iib sadaa waa lacagta qaranku leeyahay oo keliya, haddii kale dhaqalaha waddanka lama maamuli karo, sicir bararkana lama joojin karo. Lacagta waa la sarifan karaa, laakiin lacagta qaranka weeye ta keliya ee suuqa wax lagu kala iibsan karo waddanka gudihiisa. Aduunka maba jirto meel lacagta qalaad ee suuqa waxa lagaga iibsanayo ay ka badan tahay waddan lacagtiisa. Waana sababta kowaad ee ka masuulka ah sicir bararka Somaliland. Waxa maanta badatay baahidii dollarka oo ka badatay lacagtii dollarka ahayd ee waddanka taalay ama soo gelaysay. Baahida dollarka wax kale may badinin ee waxa badiyay lacagtii dollarka ahayd wax lagu iibsanayo. Qaranka Somaliland si dhismihiisu u bato waxa waajib ah in la mamnuuco in lacagta dollarka wax lagu iibsado. Waana ta ugu wayn ee maanta sicir bararka ka masuulka ah. Waxaana arrinkan fududeeyay oo suurto geliya ZAADKA. Dollarka waxa iska leh dawlada Maraykanka, hadday inagu yaraato Bangiga Somaliland ma soo samaynsan karo dollar, waa inuu soo iibsadaa, taasu waxay suurto gelinaysaa in qarankeenu aanu lahayn awoodii lagu xukumi lahaa sicir bararka ee ay maanta gacanta ugu jirto ZAADKA, shirkadaha dollarka wax ku iibiya iyo dawlada Maraykanka ee dollarka iska leh. Maanta haddii dollar loo baahdo, waa in loo baryo tagaa shirkada ZAADKA iska leh.
Waxan kuu sheegayaa haddii dawladu aaanay si dhakhso ah xoog ku suurto gelinin in la joojiyo in suuqa wax lagaga iibsado dollar, oo aanay xoog ku joojinin in ZAADka lagu isticmaalo dollarka, waxa inagu filan in ZAADKA lagu isticmaalo Somaliland Shilling oo keliya, oo laga joojiyo in ZAAD iyo eDabah loo isticmaali karo in dollar wax lagaga iibsan karo, oo labaduba wax lagu iibsan karo Somaliland Shillin oo keliya, waxa imanaysa in baahida loo qabo dollarka ay aad iyo aad 100% u yaraato, oo markaa ku ekaato ganacsatada waa wayn ee qurbaha wax ka soo iibsata oo keliya. Sida alloobooyinka kale ee ganacsatada ka keena qurbaha, laakin maanta islaantii tamaandhada iibinaysay ayaa u baahan dollar inay wax ku iibsato. Schooladii ayaa dollar doonaya, hotelkii ayaa dollar doonaya, shidaalkii ayaa dollar doonaya, iwm. Markaa hadaad aragto qof kugu yidhaahdo ZAADku kama masuul aha sicir bararka adiga iyo illaahayba been ayuu u sheegay, sicir waxa toos uga masuula baahida loo qabo dollarka wax lagu iibsanayo, taasna waxa suurto geliya ZAAD iyo dhamaan shirkadaha dollarka wax ku iibiya oo dhan, haddii ZAADka dollarka lagu isticmaalayo laga saaro, oo wax walba lagu iibsado shillingka Somaliland, sicir bararku muddo yar ayuu ku dhamaanayaa. Markaa waxa waajib ah in Bangiga Somaliland isaga oo sharciga waddanka u yaala isticmaalaya khasab lagaga dhigo in la joojiyo dhamaan wax ku iibsashada dollarka marka kowaad, in ZAADKA khasab lagaga dhigo inay joojiyaan dhamaanba in dollar wax lagu iibsado waa marka labaad, haddii kale sicir bararku wuu inala oolayaa cida keliya ee wax qaban kartaana, maaha dawlada Somaliland, ee waa cida xukunta dollarka oo awoodii joojinta sicir bararka waxay gacanta ugu jirtaa markaa shirkada iska leh ZAADKA, halkaana waxa ku baabi doonta qaranimadii Somaliland, waxa xukumi doona oo xoog ku muquunin doonta shirkada dollarka maamusha. Ka dibna haddii Muqdisho tidhaahdo Shillin Somalilandka meesha ka saara gebigiisaba sida shalay ay ku hanjabayeen, shirkada shicibku iska leeyahay ayaa awoodaa u haya oo u suurto gelin karta, wax dawlada Somaliland ka qaban kartaana way yaraanaysaa, sababtu waxa weeye dawlada Somaliland dollarka ma xukunto. Aniga taladaydu waxa meeye waa in dhamaan laga saaro in waddanka gudihiisa dollar wax lagu iibsado.
2 – Reserve Requirements: Marka labaad, Bangiga dhexe wuxu maamulaa in baananka ganacsida ee waddanka ku yaala ee shicibku lacagtooda dhigtaan (sida Salaama, Dahabshiil iyo Premier); ayuu wuxu ku khasbaa in lacagtaa dadku dhiganayaan baankooda qayb (percentage) ka mida lagu shubo bankiga dhexe ee qaranka oo ay u hayaan banaanka lacagtaas, oo percentageka marna hoos u dhigaan marna kor u qaadaan, taas oo looga jeedo dhowr ujeedo, horta marka hore lacagtaa waa la soo xaraynayaa oo lacagta waddanka dhex cararaysa ayay yaraysaa ama kordhinaysaa, dhaqdhaqaaqa dhaqaalahana way yaraysaa ama kordhisaa, marka percentageka kor loo qaado way yaraysaa dhaqdhaqaaqa dhaqaalah, marka percentageka hoos loo dhigo way kordhisaa. Marka waddanka sicir barar ka jiro bangiga dhexe wuxu kor u qaadaa percentageka bananku khasabka ku yihiin inay dhigtaan, taas oo macnaheedu yahay lacag badan baa xaroota oo aan suuqa ku wareegaynin. Wuxu kaloo Bangiga Dhexe sameeyaa marka lacagtu yaraato, wuxu bangiyada u fasaxaa in lacag yar dhigtaan oo lacag badan suuqa ku isticmaalaan, labaduba waxay wax ka bedelaan sicir bararku markuu yimaado. Bangiga Somaliland shaqadan maba qabto haba yaraatee. Percentage kor loo qaado iyo mid hoos loo dhigaa toona ma jiro. Salaama Bank haddii ay berito albaabada xidhaan, illaahay inay ka baqaan mooyaane wax kale oo qabanayaa maanta ma jiro, dawladuna markay albaabkooda xidhaan ee dadku qayliyaan ayuun bay ogaanaysaa, wax lacag ah oo laga hayo oo meel taalaana haba yaraatee ma jirto bangiyada Somaliland ku yaala sida Salaama, Dahabshiil iyo Primier Bank.
3 – Interest Rate: Shaqada saddexaad ee Bangiga Dhexe qabtaa waxa uu Bangiyada ganacsiga ah siiyaa lacag dayn ah muddo kooban oo maalin ama laba casho ah, isaga oo ku dalacaya lacag ribo ah oo interest rate oo aad u hooseeya ah, sida hal ama laba percentage. Ujeedadan Bangiga dhexe ka leeyahay lacagtan la dayminayo bangiyada waxa weeye, si hadday bangiyadu lacag degdeg ah u baahdaan ay u helaan oo bangiga dhexe uga soo qaataan, iyaguna lacagta maalin ama laba casho gudahood iskaga bixiyaan, laakiin tanu waxay suurto gelisaa in suuqii lacag badan soo gasho ama ka baxdo oo lagu xukumo sicir bararkii iyo dhaqaalihii waddanka, iyo in Bangiyadu lagu xoogeeyo. Bangiyada waawayn ee lacagta haysta ee la aaminayo waxay daynta ku qaataan percentage jaban oo ka yar ka ay bangiyada yaryar ee aan lacangta badan haysani kaga amaahdaan Bangiga dhexe. Arrinkanu waa mid labaad oo lagu xukumo sicir bararka iyo lacagta suuqa soo gelaysa ama ka baxaysa. Maanta bangiga dhexe ee Somaliland shaqadan ma qabto oo wax dayn ah oo uu siiyo Salama iyo Dahabshiil haba yaraatee ma jirto, waxa laga yaabaa in Bangiga dhexe iyaga ka soo amaahdo dollar marka dawlagu u baahato. Arrinkan maamulka interest rateka lacagta lagu kala iibsanayaa waxay suurto gelisaa in bangiyaduna helaan lacag iyaga ku filan, iyo shicibka iyo shirkaduhuna helaan lacag dayn ah oo ay bangiyada ka qaataan, dhaqaalaha waddankana aanay lacag la’aani ku dhicin.
4 – Open Market Operation: Shaqada affaraad ee bangiga dhexe qabtaa waa inay waraaqo sida lacagta oo kale oo ah oo shirkado ama dawlado dayn ku qaadanayaa soo saaraan ayay ka iibsadaan oo interest rate dul saartaan. Waxad ka soo qaadaa Dawlada Somaliland inay doonayso inay shicibka ama shirkadaha dayn ka qaadato, waxay daabacaysaa waraaqo ay ku qoran tahay qiimaha lacagta sida toban million oo Shillinka Somaliland ah, ka dibna waxa waraaqahaa iibsanaya bangiyada, shicibka, iyo shirkahadahaba, waxay maanta siisanayaan dawlada toban million oo ShSLD ah, 60 ama 90 casho ka dib waxay dawladu siinaysaa laba iyo toban milyan oo waxay helayaan laba milyan oo faaiido ah. Markaa bangiga dhexe wuxu iibsadaa warqadahan oo uu bangiyada ka sii iibsado ama iyaga ka iibiyo, taasu waxay suurto gelisaa in lacag badan ay suuqa soo gasho ama ka baxdo. Arrinkanu waa mid kale oo isagana lagu xakameeyo sicir bararka, iyo lacagta suuqa dhex cararaysa ee ka masuulka ah ama inuu sicirku kor u kaco ama hoos u dhaco. Sicir bararka waxa xukuma lacagta dhaqaalaha waddanka dhex cararaysa ee shicibka, bangiyada iyo shirkaduhu haystaan. Haddii lacagtaa la xakameeyo sicir bararkii waa la xakamayn karaa.
5 – Shirkada Caymiska Lacagta: Waxa kale oo aduunka ka jira in dawlad waliba ay u samayso dhaqaalaha iyo shicibkeeda shirkad ka masuula ah caymiska lacagta. Shirkadanu waxan lacag ka qaadaa caymiska ah bangiyada ganacsiga ee waddanka ku yaala sida Salaama, Dahabshiil, iyo Premier. Ka dibna waxay u balanqaadaa dadka dhiganaya lacagta bangiyadan privateka ah in ay iyadu ka masuul tahay oo haddii bangigu kaco oo berito albaabka loo xidho, ay dadka lacagtoodii dhigtay bangiga kacay u celin doonto boqolkiiba qayb ka mida (percertage ay xukuumaduhu jaraan), tusaale ahaan haddii toban milyan oo SLDSH kuu yaalay inay iyagu sideed milyan ku siinayaan haddii bangigu kaco. Tanu waxay suurto gelisaa in dadku aaminaan inay lacagtooda dhigtaan bangiyada. Wax lacaga oo ay adiga dawladu kaa qaadaysaa ma jirto marka ay garanteegan ku siinayso ee waxay lacagta ka qaadaysaa baananka ay caymiska siinayso oo ay ka iibsanaya caymiskan. Iyagana aaminaad badan bay helayaan oo dadkii oo dhan ayaa lacagtoodii dhiganaya. Barlamaanka Somaliland wuxu u baahan yahay inay soo saaraan sharcigii dawladu ku samayn lahayd shirkadan caymiska ah ee caymiska ka iibin lahayd bangiyada ganacsiga ah. Waxay arrintanu ka mid waxyaabaha qarankeena dhismihiisa ka dhiman ee illaa imika aan wali Barlamaanku inoo samayn sharcigii lagu suurto gelin lahaa.
6 – Gebogebo: Afarta shaqo ee Bangiga dhexe qabto, maanta nasiib darro Bangiga Somaliland afartaa shaqo intooda badana maba qabto. Sida keliya ee wax lagaga qabanayo sicir bararka waa iyada oo marka hore sharcigii bangiga la ansixiyo, marka labaad la joojiyo lacagta qalaad (dollarka) ee wax lagu iibsanayo gebi ahaanba, marka saddexaad lagu khasbo ZAAD, eDahab, hotels, schools iyo shirkadaha kale in aan wax lagu iibsan Karin dollar ee lagu iibsan karo shilinka Somaliland oo keliya,, hadday diidaan ha laga qaado liisanka ay wax ku iibinayaan, aduunka waxa ugu caban ninka baayac mushtarka ah oo haddii dukaanka laga xidho laba cisho aan fadhiyi karayanin. ZAADka iyo shirkaduhu ha joojiyaan isticmaalka dollarka; taas ayaa sicir bararka lagu joojinayaa sida ugu dhakhsaha badan. Haddii kale waxa badanaya hadal haynta ee wax la joojin karayo ma jirto.
Rashid Garuf —-end—–