Siyaasiyiinta Madasha Wada Tashiga Oo Dhaliilay Muddo Kordhimaha Goleyaasha Baarlamaanka

0
675

Hargaysa (HP): Siyaasiyiinta madasha wada tashiga Somaliland ayaa dhaliilay muddo kordhinta dhawrka jeer loo sameeyay goleyaasha Wakiiladda, Guurtidda iyo degaanka ee Somaliland.

Waxaanay arrintaasi ku tilmaameen mid sharci jebin ah, isla markaana ceeb ku ah qaranimadda Somaliland.

Xubno ka tirsan siyaasiyiinta madasha wada tashiga Somaliland oo maanta shir jara’id ku qabtay magaaladda Hargaysa ayaa xusay in golaha Guurtidda sharciyadoodii aan la samaynin ayna xubnuhu ku yimaadaan dhaxal.

Xubnahaasi waxaa ka mid ahaa Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka mid ahaa xubnihii shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay arrintaasi ceeb ku tahay madaxweyneyaashii Somaliland soo maray.

Daawo Shirka Jaraa’id Ee Siyaasiyiinta Madasha Wada Tashiga:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here