Siyaasigii Ugu Mayalka-Adkaa Garabkii Madaxweyne Biixi oo Ku Biiray Xisbiga Waddani

0
1378

Hargeysa (Hargeisa Press)- Siyaasiga Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo hore u soo noqday wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, ayaa maanta ku biiray xisbiga mucaaradka ee Waddani.

Maxamed Cabdilaahi Cumar oo khudbad ka jeediyay munaasibada loo sameeyay ee uu xisbiga Waddani ugu biiray, ayaa wuxuu soo bandhigay sababta keentay in uu xilligan ku biiro xisbiga Waddani.

Waxaa kale oo uu sheegay siyaasigu in xisbiga Waddani uu ku soo kordhin doono cod, waa sida uu hadalka u dhigee.

Wasiir hore Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka mid ahaa xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa ahaa siyaasigii ugu mayalka adkaa garabkii Madaxweyne Muuse Biixi.

Siyaasiga Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa Xilligii Siilaanyo oo kooxo kala duwani ku hirdamayeen musharraxnimada Kulmiye la saftay madaxweyne Biixi oo xilligaasi cadaadis kala kulmayay xukuumadda.

Sidoo kale, Wasiir hore Maxaamed Cabdilaahi Cumar, ayaa xilkiisa wasiirnimo ku waayahay xilligii Siilaanyo taageerada Biixi.

Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa hore u doontay jagada guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye oo markii dambe loo doortay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo xifiltan deegaan u dhexeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here