Hargeisa (Hargeisa Press)- Cabdillaahi Maxamed Uur-cadde oo ahaa Xoghayihii guud ee hore ee Xisbiga Waddani, wakhtiganna ah siyaasi madax-bannaan, ayaa sheegay in Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ka tirsan ee kulanka la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga la socdaa la xidhiidhay raalligelin iyo cafis-weydiisasho ka yimi dhinaca Wasiirrada Soomaaliya, sida uu ku dooday.
Waraysi kooban oo xasaasi ah oo uu Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde la yeeshay Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Baddacas24TV, waxa lagu weydiiyey su’aalo kala duwan oo la xidhiidha xogta uu ka hayo kulankaas oo hadal-hayntiisa iyo wararkiisu aad ugu badnaayeen Warbaahinta, Baraha Bulshada iyo sidoo kale goobaha kala duwan ee ay Dadweynuhu ku kulmaan.
WARIYE: XAMSE JIRDE
HARGEISA PRESS.COM
OFFICE HARGEISA