Siyaasi Duur: “Maanta waa malintii ugu liidatay ee Somaliland soo marta”

0
1263

Hargeysa (Hargeisa Press)- Siyaasi Maxamed Caraale Duur oo ka tirsan saraakiisha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa wuxuu ka hadlay safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku marayo gobolada bariga ee dalka.

Siyaasi Duur oo hadal ka jediyay munaasibad xisbiga Waddani maanta ku soo dhaweynayay masuuliyiin ka soo jeeda gobolka Saaxil, ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha Somaliland yahay kiisii ugu danbeeyay ee uu ku sabootinayo shacabka Somaliland.

Wuxuu sheegay in maanta ay tahay maalintii ugu liidatay ee Somaliland soo martay, isla-markaana xisbiga Waddani looga baahan yahay inuu abuuro rajo iyo isbeddel wax tarleh.

Siyaasi Duur, ayaa xusay in xisbiga Waddani shacabka Somaliland ka saaro wuxuu ugu yeedhay kala qayb sanaan iyo kala xidhnaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aanu jirin qof hawl wadeen xisbi ah oo ka soo jeeda gobolka Saaxil oo u shaqaynaya xisbiga Kulmiye.

Mar uu soo hadal qaaday doorashada la filayo inay Somaliland ka dhacdo 13-ka bisha November ee sannadkan, ayaa sheegay in loo baahan yahay inuu xisbiga Waddani doorashada ku galo wuxuu ku sheegay midnimo iyo sixitaan khalad dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here