Hargeisa (Hargeisa Press) – Siyaasi Axmed Muxumed Cumar (Axmed Nasiye) oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Xisbi xaakimka talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa waxa uu maanta shaaciyay in uu u tartamayo Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye marka la gaadho shirweynaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Siyaasi Axmed Nasiye ayaa waxa si qotodheer uga waramay qaabkii Axmed Siilaanyo gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye ugu wareejiyay Madaxweyne Muuse Biixi.
Dhinaca kale, Waxaa uu siyaasigu si adag uga hadley hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Boqor Cismaan Buurmadoow ee uu kaga hadley arinta Ceel-afwayn.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.