Sirdoonka Turkiga oo Dilay Hoggaamiyihii Daacish

0
576

Ankara (Hargeisa Press)- Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan, ayaa Axadii sheegay in ciidamada sirdoonka Turkiga ay Suuriya ku dileen hoggaamiyihii Daacish Abuu Xuseen Al-Qurashi.

“Hawlgal ay hay’adda Sirdoonku shalay ka fulisay Suuriya ayaa lagu dilay shakhsigan,” ayuu Erdogan ku yidhi wareysi uu siiyay TV-ga TRT Turk.

Erdogan, ayaa sheegay in hay’addaha Sirdoonku ay muddo dheer ku daba jireen Qurashi.

Ilo deegaanka ah iyo kuwa ammaanka Suuriya, ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay magaalada Jandris ee waqooyiga Suuriya, halkaasoo ay maamulaan kooxaha uu Turkigu taageero, waxayna ka mid tahay meelaha ugu badan ee uu saameeyay dhulgariirkii 6-dii February ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya.

IS, ayaa al-Qurashi u dooratay hoggaamiye bishii November 2022 kadib markii hoggaamiyihii hore ee IS lagu dilay hawlgal ka dhacay koonfurta Suuriya.

Daacish, ayaa la wareegtay dhul ballaadhan oo Ciraaq iyo Suuriya ah sanadkii 2014-kii, waxaana madaxii xilligaas Abu Bakar al-Baghdadi uu kaga dhawaaqay khilaafaad Islaami ah dhulalka ay ku nool yihiin malaayiin.

Balse IS, ayaa lumiyay awooddii ay ku haysay dhulkaas, kadib hawlgallo ay sameeyeen ciidamada Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq, iyo sidoo kale ciidamada Suuriya oo ay taageerayaan Iran, Ruushka iyo ciidamo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here