Waxaanu Fadhinaa gurigii Xaliimo Mire ee ku yaallay xaafada Reer Naasir sii jeedkooda , haddii aan ku sii xusuusiyo waa guriga albaabka foostada ah leh geedkuna ku ag-yaallo .
Waxaanu dhanay afar nin oo doob xoogleyaal ah , dhammaantayo waanu mirqaasanahay oo markaasi ayuu buu nagu kala qarxeen qaadkii Xanjadii iyo Sharaabkuba , afartayaduba daamanka iyo carabka ayaanu kala ilaalinaynaa ..
Eddo Xaliimo Mire inanteedii Sahra-yar ee dhoolaha casayd ayaa isla casarkii dheeraaba noo keentay laba falaasadood oo shaah bigays ah sonkortuna ku yara badantahay oo markii ugu horaysay ee ay koobkii casaa iigu shubtayba waan tufay qayb ka mid ah macaanka awgii hadana madaama uu qaadku yara qadhaadhyahay saaxiibaday aad ayey ugu bogeen oo waxaaban maqlaayey mid u ducaynayey Sahra Yar oo ku lahaa alle nasiibkaaga dambe ha wanaajiyo . waxa uu sii raaciyey war Sahra u duceeya , waa gabadhii aynu ka furnay waagii kii mucangaga ahaa ee reer Xariirade .
Inkasta oo aanan ninkaasi afada laga furay garanaynin hadana waxaan idhi gardarana ha igu ahaatee aamiin “alle kuma celiyo “..
Mirqaankuba waxa uu ku wanaagsan yahay markay qorraxdu sii dhacayso ee qaad badan la jejebiyo raamsiguna is dhagaysto , waxa iyana meesha noo yaalla Raadyaw National ah/Nashnaal , midabkiisuna casaan yahay waxa ka dultaagan Eryal/Ateeno taar ah .
Xaliimo Mire inay xaruuri tahay ayaan kuu sheegayaaye waxay noo keentay laba cajaladood oo markii ay dhashay da’da Sahra ka weyn waa Cabdi-caware hadyad ahaan looga keenay dalka Qadar, inkasta oo cajalad ka mid ahi uu codku si fiican u sii daynaynin hadana , marka lagu rido Raadyaha waxa ka heesaya Muuse Ismaciil Qallinle oo leh “Doqon yaan lagugu odhan, awrka dabarka la ogaw”.
Hal dhib ayaa yara jirta oo aan anigu u arkay inay mirqaanka caqabad ku tahay , inkasta oo uu Axmed igu diiday , waa in daaqada la furo , waxaan dareemay kulayl badan madaama aan aad u calaaliyey xanjo badan , sidaanu Axmed u murmaynay ayeyba qoraxdii dhacday oo hadaba daaqad iyo daaqad la’aanba waa la sii mirqaami karaa..
Markii ay cishihii tahay ayaanu amarka alle kala mashquulnay afartayadii ninkastaaba meel kale ayuu la qabsaday , mid taleefan u dira heblaayo , mid timihiisa ku mashquula, mid eega inta qaadka uga hadhay ,iyo mid bacda uun ka shanqadhiya ..
Faysal oo ah ninka shaadhka la baxay ee garanka cad kana soo jeeda albaabka dhiniciisa ayaa igu yidhi , Cumar Seerbiya waa in la sheekeeyo , haddii aad xataa xanjadu kugu yartahay waa laguu dirayaa ,
Maxamed ayaa soo booday oo yidhi waar yaadhaheen waa runtiiye dee sidan waaba lagu caajisayaaye ama mirqaanka inoo kala duwa oo qofkastooba meel gaar ah ha u baxa ama ilmaadeerayaalaw noo sheekeeya.
La isku raac arrintaasi Faysal ayaa yidhi ma idinka waramaa arrin ku saabsan Layla Cabdi iyo aniga sheekadayadii ? haa ayaanu mar wada dhahnay .
Layla waxay ahayd xaaskaygii iigu horeeyey ee hadana aanan guri la galin, u galmoonin, la ciyaarin , ubad wada dhallin, hadana waa afadii ugu horaysay ee aan guursaday .
Arrimaha isku kaayo qabad sii ayaanu dhahnay ..
Inta uu qori jaad ah oo laan curub badan leh oo sidaasi u dhalaalaysa madaxa ka jaray koobkii shaaha ku jirayna fiiq ka siiyey leetarkiina /bidhii dhag ka siiyey ayuu qiiq afka cirka ugu taagay , waxaaban xusuustay filim Hindiya oo aan mar hore daawaday nin ku jiray kaliya muraayada/ookiyaale ayuunba ka maqnaa Faysal
Markaasi ayuu yidhi , 1999 ayaan dugsiga sare kaga baxay magaalada Boorama , maalinkii qallin jebintaydii waxaan ahaa mid aad u faraxsanay sababta oo ah waxaan helay hadyadii ugu qaalisanayd oo ay ii keentay Layla Cabdi , ama Muxubo sidaan anigu u aqaan .
Maalintaasi waxa la socday Muxubo wiil sawir qaade ahaa oo meel sawirle ah Boorama ku haystay kaasi oo in la kaxeeyo iska daaye qofka u taga uu si adag ku sawiri jiray mashquulkiisa awgii.
Nasawir oo waliba hadba dhinac iyo dhexda is qabsanay , intii aanu sawirka ku guda jirnay ayey dhagta si hoose igu tidhi maanta waa guul , oo gurigeenii ayaa soo iftiimaya..
Daymo farxad leh ayaa kaga jawaabay , aniga oo leh “saw maaha”
Aniga iyo Layla maxaanu isku ahayn.
Layla waxay ahayd ardayadii fasalkii koobaad ee dugsiga sare kaalinta koobaad noo gashay qaybtii hore ee imtixaanka sannadka , waxayna ahayd ardaydii kaliya ee goysay/kamaqnayd maalintii la galayey qaybta dambe ee imtixaanka isla sannadkaasi , waxayna todobaadyo isku xiga ku noqo-noqonaysay xafiiska maamulka iyada oo ka cabanaysa arday maalinkasta dacaayadaysa oo ku sheegta inay xanuusanayso , jeceshahayna ardayga fasalka ugu habsanka badan leh ee Faysal la yidhaahdo ..
Waa run oo Layla waanu is jeclayn ilaa bishii koobaad ee aanu bilawnay dugsiga sare hadana awood aanu isku difaacno maanan lahayn , oo xishood badan ayaa nagu jiray in nala dareemo intii hore oo dhan , ilaa ay Layla dugsiga kaba tagto..
Hayeh, ayaanu ku cel-celinaynaa dhadhanka sheekada awgeed.
Waxba yaanan hadalka idinku daalin ee habeen aanu kulanay goor fiid cawl ah ayaanu meel dariiq ah istaagnay saddex sanno ka dib markii ay aniga dartay uga tagtay dugsiga , waxaanu isla garanay in aanu qoys yagleelno oo aanu is guursano.
Hooyaday ayaan u sheegayaa ayey dhawr jeer si farxad leh oo neef caafimaad qabtaa ku jirto ay ku tidhi.
Hooyadeed oo aanan hadda magaceeda sheekada ku dhex saxaynin warkii Layla u sheegtay Aabo cabdina gaadh warkii isna , la ballan anna odayaashaydii iskugu yeedhay , guri lagu ballan si Layla loo
kala guddoomo , markii sheekhu gacanta I qabtay ee I yidhi waxaan kuu meheriyey layla cabdi oo meherkeedu dhan yahay intaas iyo intaas, ayuu soo booday Aabaheed oo yidhi jooji sheekhaw wiilka iyo gabadhu heshiis maaha ee ha soo heshiiyaan meherka wax ka duwa ayey noo sheegtay Layli.
Madashii isbedeshay anigii la igu yidhi bax oo gabadha heshiis soo gaadha , aniga oo naxsan ayaa layla raadiyey , xaafada habaryarteed Aamina Muuse ayaaan ka helay iyada oo meel yar jiifta , waxaan weydiiyey walaalo heshiiskii meherka maxaa iska bedelay waxay igu tidhi “Faysalaw walaalo Aabo ayaa xalay isku fahmi weynay markaas maba moodaynin in saaka la ballansan yahay oo iskaba daaya ayaan ku idhi oo reerka ka cudur daarta markii waxii aan ku heshiinay wax ka duwan Aabo keenay oo xalay ayaaba gurigii ka guuraye ma saaka ayaa la kulmay ,walaalo adna iskaga tag meesha , mar kale ayeynu inagu qorshaysan doonaa arrintee”
Intaan iskaga baxay qolkii ay ku jirtay oo aan suudh aan xidhnaana koodhkiisii dukaan iska sii dhigay ayaan suuqa Boorama iska galay .
Odayaashii kala rawaxe markii cabaar la I sugaayey taleefan la igala soo hadlana ma sito .
Saaxiibkay Khaalid Qumac ayaa isoo raadiyey oo iigu yimi suuqa isagii ayaan u calaacalay , waxa uu I qabtay gacanta oo uu igu yidhi bal ina keen , waxaanu tagnay suuqii qaadka halkii ayaanu qaad ka qaadanay waxa uu Khaalid igu qanciyey in haddii aan qayilo keeni karo afkaaro naftayda iyo Laylaba u badbaado ah.
Maalinkii koobaad wax midho dhal ah ma samaynin , saddex cisho ayaan hadana u fadhiistay qaadkii , waxaan arkay iyada oo sagaashan maalmood ku sii socota ,sagaashankii ayaan hadana isku bedlay sagaal iyo toban sanno ku dhawaad , oo ay caawana ku jirto .
sidaasi ayaan ku bartay balwadda .
Waxa Qoray Cumar Seerbiya