Boorama (Hargeisa Press) – Isbedelka cimilada adduunka, ayaa noqday arrin si weyn looga dareemay meelo badan oo caalamka ah, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika.
Halkaas oo ay ka dhaceen abaaro ba’an oo aan hore loo arag oo sahayday dad iyo duunyoba, iyadoona ay Somaliland ka mid tahay dalalka ay saamaynta weyn ku yeelatay isbedelka cimiladu.
Arrintaas, ayaa keentay in marar kala duwan uu loollan dhex maro duurjoogta oo raadinaysa waxay cunto iyo dadka beeralayda ah oo ilaashanaya beerohooda.
Masuuliyiinta wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Somaliland, ayaa kormeer ku soo maray dhulalka baadiyaha ah iyo beeralayda, iyaga oo u kuurgelayey saamaynta isbedelka cimilada iyo weliba xaaladda duurjoogta ku nool deegaanadaas.
Haddaba isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee gobolka Awdal Cabdiwahaab Xuseen Muumin, oo u waramay Idaacada VOA, ayaa ka waramay kormeerka ay ku mareen deegaanadaasi.
“Xeebaha ayaanu kormeer ku soomarnay, anaga oo u kuurgalnay xaalada isbaddelka cimiladu ay ku yeelatay Duufaantii Sagar dabadeed ilaalinta Duurjoogta iyo duruufaha ay ku sugan tahay, ama xagga biyaha ha ahaato, ama dhulka magaaloobaya ha noqoto, ama ka ganacsiga sharcidaradda ah ha noqoto, ama in la dilo oo la cuno ha noqote.
Qolo ka timid Koonfurta dalka Itoobiya oo habeenkii intay toosh ku qabtaan moodaya in aanay Duurjoogta ciddiba lahayn, degaanada aanu dhibka ku soo aragnay waxa ka mida degaanka Daricase, oo habeenkii Garanuugta marka ay habeenkii beerahooda galaan ee ay cunto u raadsadaan in uu habeenka danbe inta uu qori soo qaato uu toogtaba.
Marka beeraleyda waxa aan leenahay Duurjoogtu waxa ay ka mid tahay hantida Qaranku leeyahay, bilicda waddanka ayay qayb ka tahay, waa khayraadkii dalka, waxa ay ka mid tahay dalxiiska dalka, waana asad Qaranku leeyahay, wasaaradda degaanku kaligeed ma ilaalin karte aan wada ilaalino”. ayuu yidhi.