Shirweynihii 8aad Ee Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO Oo Maanta Hargeysa Ka Furmay Iyo Weedhihii Masuuliyiinta Ka Qayb Gashay+ SAWIRRO

0
1130

Hargeysa,(HargeisaPress) —Shirweynihii 8aad ee dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Hudheel Ambassador ee Caasimadda Hargeysa, shirweynahan oo ay kasoo qayb galeen ergooyinka Dhammaan Ururrada Dalladda ku bahoobay oo isaga kala yimid dhammaanba Gobollada Somaliland, Xubnaha Golaha Sare ee xilkoodu sii dhammaanayo, masuuliyiinta Fulinta, Masuuliyiinta Axsaabta qaranka, Golaha Wasiirrada, Golayaasha qaranka iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo marti sharaf kale oo badan.

Furitaanka Shirweynaha 8aad ee dalladda SONYO waxa hadalo kooban ka soo jeediyey Agaasimaha Fulinta SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed oo mahad naq ballaadhan u soo jeediyey dhammaan Ergooyinka dalladda SONYO ee shirweynaha isugu yimid, Xubnaha Golaha Sare ee wakhtigoodu sii dhammaanayo iyo Guddoomiye Siyaad Cumar Cali sidii qiimaha lahayd ee ay u soo wada shaqeeyeen isaga oo sheegay in dalladda SONYO qaangaadh tahay sharafna ay dhallinyarada Somaliland iyo gaar ahaan SONYO u tahay in saaka la isugu yimaad shirweynihii 8aad oo wakhtigiisii aan maalin dhaafin.

Nuur Aadan Shirdoon oo ahaa guddoomiyihii Guddida qaban qaabada shirweynaha 8aad ee dalladda SONYO oo madasha ka hadlay ayaa u mahad naqay sidii ay guddidooda ula soo shaqeeyeen dhammaan masuuliyiinta shaqaalaha SONYO iyo Guddida Golaha sare ee xilka bannaynaya isaga oo sheegay in hawshii adkayd ee ay soo qabteen ay ku faraxsan yihiin in uu shirku ugu qabsoomo qaabkaasi quruxda badan.

Intaa kadib waxa hadalka qaatay Guddoomiyaha Dallada SONYO ee labadii sano ee ugu dambeeyey xilka hayay ee wakhtigan xilkiisu dhammaaday Mudane Siyaad Cumar Cali oo sheegay in ay sharaf u tahay in uu isla wakhtigii uu laba sano ka hor xilka SONYO la wareegay iyada oo aanay maalin dhaafin in uu shirkii SONYO wakhtigiisii ku qabsoono isaga oo dhinaca kale u mahad naqay dhammaan daneeyayaasha arrimaha dhallinyarada iyo cid kasta oo SONYO ku garab gashay gudashada hawsha qaran ee ay dalka iyo dadka u hayso. Mudane Siyaad Cumar Cali waxa uu si faahfaahfsan uga hadlay wixii u qabsoomay dalladda SONYO labadii sano ee uu xilka hayay isaga oo Guddoomiyaha SONYO mid mid isu dul taagay horumarka labadaasi sano SONYO ku tallaabsatay iyo caqabadaha ka hor yimid isaga oo xaaladda Dhallinyarada ka hadlay iyo duruufaha hor yaalla wakhtigan.

Intaa kadib waxa madasha hadalo kooban oo dardaaran iyo hogo tusaalaynba leh ka jeediyey Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Sharmaarke Geelle, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Xildhibaan ka socday baarlamanka Jabuuti oo wafti uu hogaaminayaa dalka ku sugan yahay iyaga oo sidoo kalena waftigaasi ka qayb galay Shirweynihii xaaladda Tahriibta iyo xal u helideeda ka qayb galay.

Intaa kadib waxa sidoo kale madasha hadalo dardaaran iyo guubaabo isugu jira ka jeediyey Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghaye ku xigeenka Guud ee Xisbiga UCID Md. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, masuuliyiintaasi oo dhamaantood ka hadlay sida loogu baahan yahay in SONYO shirkeeda u qabsato doorashadana isugu tanaasusho oo maadaama ay yihiin muraayaddii dalka.

Gabagabadii hadallada masuuliyiinta waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu ka soo qayb galo shirkii SONYO ee 8aad isaga oo sheegay in uu shirkii ugu dambeeyey ee sannadkii 2014 uu wakhtigaasi isaga oo ah badhasaabka Gobolka Salal uu warbaahinta kala socday wakhtigaana qaddar is qabqabsi ah ay doorashada SONYO ku qabsoontay, balse uu maanta qirayo qaan gaadhnimada SONYO maadaama ay shirkii 8aad wakhtigiisii ku qabanayaan iyaga oo gacmaha is qabsanaya. “Waxaan ballan qaadayaa in aan ciddina faro gelin ku samayn doonin shirweynaha SONYO, waxaanan sidoo kale ballan qaadayaa in aan ka odayayn doono si kasta oo wanaagsan oo milgo leh oo uu ku dhammaado shirka SONYO. Xukuumaddu dadaal badan ayay u gashay sidii ay dhallinyarada wax badan ula qaban lahayd waxaanad ogtihiin doorka weyn ee Madaxweynihu ka siiyey dhallinyarada dhismaha xukuumaddiisa iyo sida uu maalin walba xilalka qaranka ugu sarreeya ugu magacaabayo dhallinyarada aqoonyahanka ah”. Ayuu yidhi Wasiir Waabari.

Guntii iyo gabogabadii Qaybta hore ee furitaanka shirweynaha 8aad ee SONYO waxa ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo SONYO ku hambalyeeyey in ay wakhtigiisii ku qabsadeen shirweynahooda guud isaga oo xusay intii ay xukuumaddani talada dalka haysay in uu shirkani noqonayo kii saddexaad. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in Madaxweynuhu xalay amar degdeg ah ku bixiyey in dhammaan Magaalo madaxyada Gobollada Waaweyn ee dalka laga hirgelin doono dhismayaal waaweyn oo ah xarumo dhallinyaradu leedahay oo lagu horumarin doono.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay in ay ka xun yihiin in hakadkii ku yimid sanduuqii horumarinta dhallinyarada Somaliland ee Madaxweynuhu hore u dhagax dhigay ee uu ballan qaaday in uu lacagta ugu horreysay ku shubi doono, balse ay imika muddada u hadhay xilkooda dardar gelin doonaan sidii ay sanduuqaasi u hirgelin lahaayeen, isagoo sheegay in sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF laga diyaarin doono wajigiisa labaad lacago lagaga shaqeeyo arrimaha horumarinta ee dhallinyarada dalka.

Shirweynaha SONYO ee maanta furmay socona doona illaa berri oo Arbaca ah waxa illaa imika u sharraxan Laba Xubnood oo kala ah Cabdicasiis Xirsi Warsame iyo Cabdicasiis Siciid Saalax iyada oo qorshuhu yahay in isla berri doorashada SONYO qabsoonto iyada oo muddada shirku socdo sidoo kale warbixinno laga dhegaysan doono Hanti-dhawr madax bannaan oo ka hadli doona nidaam xisaabeedkii SONYO labadii sano ee ugu dambeeyey, Warbixinta waxqabadka dalladda iyo warbixino kale oo la xidhiidha hannaanka maamul ee SONYO.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here