Shirweynaha guddiyada shareecada iyo hay’addaha maaliyadda ee Somaliland oo furmay

0
713

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shirweynaha 2aad ee guddiyada shareecada bangiga dhexe ee Somaliland iyo hay’addaha maaliydeed ee dalka Somaliland, ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa.

Shirweynaha, ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Agaasimaha bangiga dhexe, agaasimaha wasaaradda diinta iyo awqaafta, masuuliyiinta hay’adda caymiska qaranka, madaxda hay’addaha maaliyadeed, guddida shareecada ee bangiga dhexe, culimaa udiinka dalka iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir iyo Agaasimaha guud ee bangiga dhexe Maxamed Xuseen Qaasim oo ugu horayn shirweynaha ka hadlay, ayaa ka waramay muhiimadda shirweynaha 2aad ee guddiyada shareecada bangiga dhexe iyo hay’adaha maaliyadeed ee dalka.

Waxaanay sheegeen in mar kasta oo nidaamka maaliayeed ee dalka lagu dabaqo shareecada in la gaadhayo horumar maaliyadeed.

Sidoo kale, Culimaa udiinka waa weyn ee dalka oo iyaguna madasha shirweynaha ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga warbixiyay muhiimadda uu islaamku siiyay is waafajinta shareecada iyo maaliyadda.

Shirweynahan, ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay doodo iyo falaanqeyn la xidhiidha sidii laysku waafajin lahaa arrimaha shareecada iyo maaliyadda dalka.

Waxaana inta uu shirweynahani socdo si xeeldheer loogu soo bandhigi doonaa qodobo la xidhiidha arrimaha shareecada iyo maaliyadda, isagoona shirku socon doono muddo laba maalmood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here