Shirkii Qorshaha Xogta Waxbarashada Somaliland oo La Soo Gabo-gabeeyay

0
815

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Waxabarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa waxaa uu maanta si rasmi ah u soo xidhay shirka Qorshaha Xogta Waxbarashada Qaranka.

Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah, ayaa ku saabsanaa sidii loo wanaajin lahaa isla markaana xog dhamaystiran loo soo gudbin lahaa, taas oo lagu salayn doono qorshaha iyo hawl-qabadka Wasaaradda Waxabarashada iyo Sayniska Somaliland.

Waxaana shirkan loo qabtay Guddoomiyeyaasha gobolada iyo masuuliyiinta Xafiisyada barnaamijka weel- xogeedyada Wasaaradda Waxabarashada iyo Sayniska.

Ugu horayntii shirkan waxaa faahfaahin ka bixiyay Mustafe Axmed Cabdi, oo ah Macallinka tababarka bixinaayay iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo siyaasadda Wasaaradda Waxabarashada iyo Sayniska, Xuseen Cabdi Cawil.

Waxaanay si qoto dheer ay uga warameen shirkan iyo ahmiyadda uu u leeyahay hagayaasha Waxbarashada dalka.

Axmed Shire Maxamed (Baandheeye) oo ku hadlayay af-ka guddoomiyeyaasha gobollada dalka, ayaa erayo suugaan ah ku cabiray aqoontii ay korodhsadeen mudadii uu tababarku socday.

Shirkan oo mudoo saddex maalmood ah socday, ayaa waxaa ka soo baxay Qodobo ku salaysan Xogaha Waxbarashada, taas oo masuuliyiinta Waxbarashadu adeegsan doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo shirkan soo xidhay, aaa sheegay in qodobada shirkan ka soo baxay ay noqon doonaan hagaha Wasaaradda Waxbarashadu adeegsan doonto.

May be an image of 14 people, table and dais

May be an image of 1 person and text

May be an image of 6 people and people studying

May be an image of 8 people and dais

May be an image of 1 person

May be an image of 6 people, table, lighting and dais

May be an image of 6 people, dais and text

May be an image of 6 people, table, lighting and dais

May be an image of 4 people, newsroom and dais

May be an image of 3 people and people studying

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here