Putin oo Tilmaamay Furraha Dagaalka Ee Mustaqbalka

0
563

St. Petersburg (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa si cad u sheegay in gelitaanka Ukraine ee NATO ay fure u tahay mustaqbalka dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo sii socda.

Madaxweyne Putin,  wuxuu sidaa ka sheegay mar uu madaxda Afrika kula hadlayay magaalada St. Petersburg oo shir uga socday Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, iyadoo shirkaas lagaga hadlay arrimaha dhaqaalaha ee Afrika iyo iskaashiga Ruushka.

Sidoo kale, Madaxweyne Putin ayaa madasha ka sheegay in dhexdhexaadnimada Ukraine, sida lagu sheegay ku dhawaaqista madaxbannaanida, ay aasaas u tahay Ruushka.

Dhinaca kale, Dowladda Ruushka, ayaa bayaan ay kasoo saartay shirka Petersburg St, ku sheegtay sida ay u danaynanay ganacsiga iyo xidhiidhka Afrika, isla markaana waxay xustay in dadweynaha Afrika si daacad ah u dannaynayaan in ay sii qoto dheereeyaan ganacsiga dhinacyada baddan leh, maalgashiga iyo xidhiidhka bini’aadantinimo ee qaaradda, kaas oo buuxiya baahiyaha dhammaan dalalkayaga oo kor u qaadaya kobaca iyo barwaaqada iyo xasilloonida”ayaa lagu yidhi bayaanka.

Ganacsiga Ruushka iyo Afrika waxa uu sannadkii hore gaadhay 18 bilyan oo dollarka Mareykanka ah. Waa natiijo cad oo ka soo baxday shirkii Ruushka iyo Afrika,  “Sannadkii hore ganacsiga Ruushka ee dalalka Afrika ee wax soo saarka beeraha ayaa kordhay 10 boqolkiiba ilaa $6.7 bilyan, waxana uu hore u muujiyay kobbaca rikoodhka ah ee bilihii January-June ee sanadkan 2023, isagoo kordhay 60 boqolkiiba” sida lagu sheegay warka kasoo baxay shirka St. Petersburg.

Dhinaca kale, shirka ayaa muujiyay sida uu Ruushku isugu ballaadhiyay Afrika iyo in dalal baddan oo reer galbeedku gacanta ku hayeen oo ka mid ah kuwa ugu khayraadka baddan ee Afrika, isla markaana u leh ahmiyad Istiraatiijiyadeed oo Millateri iyo mid dhaqaale ay ugu gacan galeen sannadihii u danbeeyay Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here