Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo lagu falaanqeeyay amniga, doorashooyinka iyo dhaqaalaha

0
1031

Hargeysa (Hargeisa Press)- Fadhigii 132-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu naaqishay arrimo door ah oo la xidhiidha Amniga, dhaqaalaha dalka iyo u diyaar-garowga doorashooyinka.

Ugu horrayn, waxa shirka warbixin la xidhiidha  xaaladda guud ee Amniga dalka ka dhegaystay wasiirka wasaaradda arrimaa gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, sidoo kale waxa warbixinta xaaladda  dhaqaalaha dalka iyo diyaarinta oddoroska miisaaniyadda 2025 lagaga dhegaystay wasiirka  wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire.

Geesta kale, golaha wasiirradu waxa uu dood iyo falanqayn ka yeeshay qabyo-qoraalka xeerka Ciqaabta guud, sidoo kale, waxa Wasiirka Warfaafinta, Cali Xasan Maxamed iyo garyaqaanka guud ee qaranka, Cabdisamad Cumar Maal golaha usoo bandhigeen qabyo-qoraalka xeerka warbaahinta Somaliland, kaas oo beddelaya xeerkii hore loo odhan jirey, Xeerka Saxaafadda LR.27/2004, iyaga oo sharraxaad dheer golaha ka siiyey nuxurka  iyo ahmiyadda uu leeyahay xaarkan cusub iyo waxyaabaha uu kaga duwan yahay xeerka uu beddelayo, iyada oo doodda labadan xeer halkaas kasii socon doonta fadhiyada soo socda.

Ugu dambayntii, golaha Wasiirrada Somaliland, waxa ay si qoto dheer uga doodeen diyaargarowga doorashooyinka qorshaysan 13-ka Bisha November, sannadkan 2024-ka, sidoo kale waxa uu goluhu ugu baaqayaa shacabka Somaliland inay u diyaargaroobaan doorashooyinka iyo difaaca qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here