Shirkadda Somcable oo Xafiis cusub ka furatay magaalada Dubia

0
1554

Dubai (Hargeisa Press)- Shirkadda Somcable Submarine Network oo ka mid ah Shirkaddaha waa weyn ka jira dalka Somaliland, ayaa waxaa ay maanta xafiis cusub ka furatay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Furitaanka xafiiskan cusub wuxu doorweyn ka qaadan doonaa fududaynta hawlaha shirkadda iyo xoojinta iskaashiga guud ee gobolka iyo caalamka, isla-markaana wuxu suurtagelinayaa in Somcable si hufan ugu adeegto macaamiisheeda iyo saaxiibadeedda gobolka iyo caalamka.

Mulkiilaha Shirkadda Xaaji Maxamed Aw Siciid, ayaa war-saxaafadeedkan ku xusay muhiimadda ay u leedahay isballaadhintani kobaca Shirkadda Somcable, isagoo carrabka ku adkeeyay fursadaha iskaashi ee lala yeelan karo shirkadaha tiknoolajiyada iyo daneeyayaasha kale ee gobolka iyo caalamka.

Hindisahan wuxu iftiiminayaa isbeddel ballaadhan oo la xidhiidha maalgelinta kaabayaasha dhijitaalka ah.

Maamulaha Somcable ee xafiiska Dubai Maxamed Ibraahim Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshayaasha istiraatiijiga ah ee ku aaddan horumarinta shirkadda.

Wuxu xusay in ay xoogga saarayaan ballaadhinta kaabayaasha xadhkaha badda hoosteeda mara si loo xoojiyo isku xidhka dalka iyo caalamka.

Maxamed, wuxu hoosta ka xarriiqay muhiimada hal-abuurnimada iyo tiknoolajiyada si loo daboolo baahida sii kordheysa ee adeegyada internet-ka awoodda sare leh, wuxu qorsheynayaa inuu xoogga saaro dhisidda iskaashi lala yeesho daneeyayaasha muhiimka ah ee waaxda isgaadhsiinta.

Ugu dambayn war-saxaafadeedkan waxa lagu xusay in mudnaanta kowaad ay siinayaan shaqa-abuurka iyo horumarinta shaqaalaha shirkadda gudahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here