Shirkadda SOMCABLE Oo Bilawday Adeegga Internet-ka Xawaarihiisu Sareeyo Ee Loogu Talo-galay Guryaha La Deggan Yahay

0
1076

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkadda SO! Ltd Powered by Somcable, ayaa caddaysay inay bilawday adeega internet-ka xawaarihiisu sareeyo ee loogu talogalay in lagu isticmaalo guryaha qoysasku degen yihiin.

 

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal shirkaddu soo saartay shalay oo lagu iftiimiyey in adeegan internet-ka xawaarihiisu dheereeyo uu faa’iidooyin badan u leeyahay qoysaska, isla markaana loogu geyn doono gurigooda, iyadoo adeegan si gaar ah looga bilaabay xaafadda Jigjiga-yar ee caasimadda Hargeysa.

 

somcable 2“Shirkadda SO! Ltd Powered by Somcable ee adeega internet-ka xawaaraha sareeya ee fibre optic-ga waxay macaamisheeda ogeysiinaysaa inay dhawaan ka bilawday xaafadda Jigjiga-yar ee caasimadda Hargeysa, gaar ahaan agagaarka hudheelka Safaari (Safari hotel area) adeega fibre-ka guryaha, adeegaas oo ah adeeg xawaarihiisu aad u sareeyo, ahna xadhiga sida internet-ka aadka u dheereeya ee loogu talogalay guryaha.

 

Waxa aad adeegan ka heli kartaa xarumaha shirkadda iyo shaqaale kugu soo booqan doona guryihiina, kuuna sheegi doona in adeega internet-ku diyaar yahay amma la xidhiidh xarunta shirkaddu ku leedahay xaafadda Jigjiga-yar ee Hargeysa.

 

Sidoo kale adeegan xawaarihiisu sareeyo wuxuu kuu sahlayaa, isla markaana kuu daboolayaa baahidaada isgaadhsiineed oo ah hab waxbarasho iyo mid ganacsi iyo qaraabo

 

xidhiidhinba, iyadoo aad baahiyahaas ku gaadhi karto si yar oo fudud adigoo jooga gurigaaga, wixii intaas dheer ee  faahfaahin ah kala xidhiidh  lambarada telefoonnada hoos ku qoran ee kala ah CALL CENTER 818 ama 523883 Ama ciwaanka ah www.sogasho.so”

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here