Shirkadda Oomaar oo Berbera Ka Hirgelinaysa Kaydka Saliidda iyo Shiidaalka

0
570

Berbera (Hargeisa Press)- Shirkadda caalamiga ah ee Oomaar ayaa magaaladda Berbera ka dhagax dhigtay maalgashi ay ku samaynayso xarunta kaydka Saliidda.

Waxaana hirgelinta xarunta kaydka Saliidda iska kaaahanaya shirkadda Oomaar group iyo shirkadda National Oil Company, taasoo laga dhisayo magaaladda Berbera.

Munaasibad loo qabtay dhagax dhiga maalgashigaasi ay samaynayso shirkadda Oomaar, wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad (saajin).

Maayarka Berbera C/shakuur Cidin, maareeyaha guud ee shirkadda Oomaar Group Maxamed Cali Muxumed, guddoomiyaha shirkadda National Oil company, madaxa Oomaar group ee Berbera, badhasaabka gobolka Saaxil, maareeyaha dekadaha Somaliland Siciid C/laaho Xasan.

Maareeyaha haamaha kaydka shiidaalka Berbera, qaar ka mida ganacsatadda waaweyn ee reer Somaliland, xubno ka tirsan golaha deegaanka Berbera, iyo masuuliyiin kale.

Waxaana goobta xaruntaasi laga dhisayo si wada jir ah u dhagax dhigay guddoomiyaha shirkadda Oomaar Maxamed Cali Muxumed, wasiirka ganacsiga Maxamed Xasan Sacad (saajin), iyo maareeyaha shirkadda National Oil company.

Haamahan kaydka shiidaaladda kala duwan ee ay yeelanayso shirkadda Oomaar ayaa qorshuhu yahay in ay qaadi doonaan mug gaadhaya in ka badan 230,000 oo mitri qubic, oo shiidaal ah. Iyadoo uu wejiga hore noqon doono ilaa 100,000 oo mitric qubic, oo noocyadda kala duwan ee shidaalka ah.

Kuwaasoo isugu jira Naafto, petrol, iyo Saliidda cuntada lagu karsado ee loo yaqaano LPG, sida uu sheegay guddoomiyaha guud ee shirkadda Oomaar Maxamed Cali Muxumed.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin), oo isna goobtii dhagax dhiga ka hadlay ayaa uga mahad celiyay shirkadda Oomaar kaydkan saliidaha iyo shiidaalka ee ay samaynayso.

Waxaanu sheegay in kaydka noocan ah uu qaranku baahi weyn u qabay, isla markaana uu dabooli doono baahidii jirtay.

Geesta kale, qaxaa iyagna halkaasi hadalo ka jeediyay maayarka Berbera C/shakuur Cidin, maareeyaha haamaha kaydka shiidaalka Berbera, iyo maareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xasan C/laahi.

Waxaanay masuuliyiintaasi soo dhaweeyeen hirgelinta kaydkani saliidaha ee ay hirgelinqyso shirkadda Oomaar group.

Masuuliyiintaasi ayaa tilmaamay in hirgelinta xaruntani ay wax badan ka tari doonto baahiyaha mustaqbalka, isla markaana ay muhiim tahay in aan wax kaydsano.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here